Haweenay Talyaani oo Afduub ahaan Soomaaliya loogu haystay oo la xaqiijiyay in la sii daayay.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa xaqiijiyay sii deynta Silvia Romano oo ahayd haweeney ka shaqeyso Gargaarka Bani aadamnimo oo Kenya laga soo afduubtay bishii November sanadkii 2018-kii.

“Silvia Romano waa xor, waxa aan u mahad celineynaa Ragga iyo Dumarka  Sirdoonka ah ee howshaan fuliyay, hadda waxa ay sugeysaa dib ugu soo laabashada Talyaaniga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Warbaahinta Qaranka Talyaaniga ee RAI oo la hadashay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaas waxa uu u xaqiijiyay in Silvia ay ku sugan tahay Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, isla markaana ay ku guuleysteen soo deynteeda Sirdoonada Talyaaniga, Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in maanta oo Axad ah ay dib ugu laabaneyso Talyaaniga, isla markaana ka degi doonto Magaalada Roma oo caasimadda wadankaas ah.

Di Maio oo wax laga weydiiyay qaabka loosoo dooyay haweeneydaan waxa uu ka gaabsaday in uu sii faah-faahiyay, maadaama howlgalka uu ahaa mid sirdoon sida uu hadalka u dhigay, balse kaliya waxa uu xaqiijiyay in ay xor tahay haweeneyda samafalka ka shaqeyso ee Kenya laga soo afduubtay.

Website-ka lagu magacaabo Italian daily Corriere della Sera ayaa soo wariyay in awood loo adeegsaday soo deynta Silvia Romano, inkasta oo uusan shaacin haddii howlgalkaas uu geystay khasaare.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ooh ore ku guul dareysatay sii deynta haweeneydaan laga soo afduubtay Waqooyiga dalkaas iyada oo ku howlan howlaha gargaarka bani aadamnimo bishii November sanadkii 2018-kii.