Dowladda oo Wada Qorshe Gobolada Dalka Looga Hirgelinayo Xarumo dadka lagu Karantiilo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka joogtada guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus,

Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19 ka dhageystay xubnaha guddiga, maadaama uu ka sii darayo xanuunka.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga dooday qorshe dhammaan goboladda dalka looga hirgelinayo Xarumo caafimaad oo lagula tacaalo faafitaanka Cudurka COVID-19.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Guddiga Qaran ee Cudurka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si sare loo qaado bed-qabka ummadda iyo yareynta saameynta uu Cudurkaani oo bulshada ku yeelnayo.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 997 waxaa bogsootay 110 Ruux. 48 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.