Al-Shabaab oo sheegtay Inay Madaafiic ku weerartay xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho:-Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar madaafiic loo adeegsaday oo xalay fiidkii lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ah ayaa sheegay inay maqleen jugta dhaw gantaal oo ku dhacay gudaha iyo daafaha xarunta Xalane, in kastoo aysan bixin faahfaahin intaas ka badan.

Ururka Al-Shabaab oo war kasoo saaray weerarkaas ayaa sheegtay mas’uuliyadiisa, waxayna war lagu baahiyey warbaahinta taageerta ku sheegeen in illaa todoba gantaal oo ay u adeegsadeen qoriga hoobiyaha ay la dhaceen xarunta Xalane, isla markaana uu khasaare jiro, balse faahfaahin kama sii bixin khasaarahaas.

Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro ay u adeegsadeen qoriga hoobiyaha waxa ay ku qaadeen xerada Xalane uu fadhi u ah hey’adaha Qaramada Midoobey iyo safaarado dhowr ah.

Xaruntaas sugidda ammaankeeda waxaa gacanta ku haya ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, balse waxay u tag la’yihiin weerarrada uga imaanaya Al-Shabaab ee loo adeegsado qoriga loo yaqaano Hoobiyaha.

Toddobaadyo ka hor dhawr hoobiye oo Al-Shabaab ay ku tureen xarunta Xalane ayaa waxaa ka dhashay khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah iyo xool u badnaa Geel, kuwaas oo ku noolaa xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo xaruntaas ay ku taallo.

Dhanka kale weli ma jirto cid ka hadashay weerarkaas ay mas’uuliyadiisa sheegteen Al-Shabaab, sidoo kale waxaan si rasmi ah loo ogeyn in uu khasaare ka dhashay