Sheekh Caalim ah Dariiqada Qaadiriyadana Magac ku leh oo saakay ku geeriyooday Muqdisho.

Waxaa saakay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Cumar Axmed Cadaawe , Sheekha labadii Todobaad ee ugu damabysay ayuu ku xanuunsanaayay Muqdisho.

Sheekh Cumar wuxuu ahaa Imaam Masjid, islamarkaana Kutubada Muqdisho ku aqriya, iyadoo sheekha uu caan ku ahaa ka shakaynta Owliyada, Siirada Rasuulka CSW iyo Alifida Qasaaidka.

Sheekh ma jirto cid ka badalaysa ka shakaynta Owliyada oo uu caan ku ahaa, islamarkaana wuxuu ahaa mid si aad ah yaqaana Taariikhda Owliyada.

Dhanka kale waxaan Alle uga baryaynaa inuu jandii Fardowsa ka waraabiyo Shekh Cumar Jaylaani, anagana gadaashiisa Alle nama fidneeyo. Aamiin.