Jowhar Diyaarad Mooyee Jid loo Maro ma Leh!!!

Dhawr sanno ka hor ayaa iigu dambaysay inaan ku safro wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar, arin aan ka maarmi waayay ayaa iga soo gashay Degmadaas, qof-ahaan waxaan qorsheystay inaan dhulka maro maadaama aysan jirin Diyaarad lagu tagi halkaasi!

Waa aroor hore, Kursiga hore ee Darawelka ayaa la ii qabtay, nasiib waxaa u yeeshay inaan raaco Primo Baabuur oo ah caasigii ugu horeeyay ee ka baxa busteejada Baabuurta ee Xamar, 11:00-ka barqanimo inaan tagayo Magaalada Jowhar ayaa la iigu bishaareeyay!

Daqiiqado kadib waxaa Cagta saarnay jidka dheer ee isku xira Xamar iyo Jowhar, cabsi ayaa i hareynaysay, welwel waxaa ka qabey sida ay Wadadu Raf u tahay isla markaana ay u burbursan tahay!

Wadnaha ayaa Farta ku hayaa, allow mar uun ku geey ayaa ugu jirto, baabuurka aan saaran ahay mar wadada ayuu ka dagayaa, marna jidka kore ee laamiga ah ayuu ku soconayaa!

Cirfiid, Caliyaale, Garas Bintoow, Carro faag, Hiilweyne illaa Balcad rafaad iyo Jug-jug ayaa ku tagnay!

Hakad yar kadib, waxaa horey uga sii gudubnay Isgoys iyo Gololeey, nasiibdarro Deegaanka Gololeey waxaa ugu tagnay God weyn oo biyo jeexeen, cabsi badan anagga oo dareemayna ayaa halkaas ka gudubnay, inta u dhaxaysa Gololeey iyo Qalimoow ayaa mar kale rafaad ba’an kala kulannay, dhulka Hoose waa Dhiiqo, jidka korena waa Baaba’ aan lagu socon karin.

Sheeko waxay xumaatey markii aan ku dhaw nahay Garsaale, Jidkii ayaa gabi ahaanba go’ay, nasiibdarro halkii dhinac ee wadada laga maryay ayaa waxaa ku gadoomay gaari weyn oo xamuul ah, Dan waxay na badey inaan marno wado kale oo qardo jeex ah, cabaar markii aan hawdka ku soconay ayaa wadada waxaa uga soo dhacnay meel u dhaxaysa Booroow iyo Kongo oo ah afka hore ee Degmada Jowhar.

Abaarihii 3:00 galabnimo ayaa tagnay Magalaada jowhar oo aan is lahaa Shan saac oo subaxnimo ayaa tagi doontaa, daal aniga oo dareemayo ayaa u sii luuday xaafadda Horseed, dhib intaan soo arkay ayaa igu filan, hubaashii ma noola dadka ku safra wadadaasi balse Alle ayay qabaan!!!

WQ:C/Laahi Shiikhaalow