Maamulka G/Hiiraan oo beeniyay in 10-kun oo Qoys ay ka barakaceen Baladweyne.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Mustaqbal ayaa beeniyay in 10-kun oo qoys ay ka barakaceen Magaalada Baladweyne.

Meesha kama uusan saarin in qoysas cabsi ka muujiyay Fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee Mara Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Sheekh Xuseen waxa uu xusay in Dadka Magaalada Baladweyne walwal xooggan ay ku joogaan Magaalada iyaga oo maanka ku haya Fatahaaddii halkaa ka dhacday Dhammaadkii sanadkii tagay.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in ay sameeyeen Biyo Xireeno ay ugu talagaleen in ay ku kala yareeyaan Biyaha Wabiga ee Buux dhaafiyay, Carro tuuryo iyo jawaanno ay dhigeen Jiinka Wabiga Shabeelle si uusan Karkaarada u jabsan.

“Wali kuma aan dhawaaqin Xaalad degdeg ah, Rajadu waa ay wanaagsan tahay, waa ay jiraan qoysas aan sidaas u badneen oo ka barakacay Hareeraha Wabiga, annaga ayaa iclaamineyno haddii la dareemo cabsi weyn” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Hiiraan.

Magaalada Baladweyne waxaa dhawaan ka bilawday barakac ay sameeyeen qoysaska dantayar ee ku sugan Magaaladaas oo xarun u ah Gobolka Hiiraan oo dhaca Bartamaha Dalka.