Halgamayaashii dhabta ahaa, waxaa lagu beddalay kuwo dhalanteed ah, taariikh been ahna waa loo sameeyay, dhallintiina wey wareereen

Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Qaybtii 2aad iyo halgankii S.Y.L., geesigii Axmed Gurey wuxuu iska caabbin jiray weeraradii ay Itoobiyaanku ku soo qaadi jireen iyagoo waliba ay kaalmo ka heli jireen, waa Itoobiyaanke dawlado shisheeye ah oo dawladda Portugal ugu horraysay.

Sannadkii 1543kii ayaa geesigii Axmed Gurey uu geeriyooday isagoo dagaallamayay, geesigaa kaddibna waxaa ifka u soo baxay geesi kale oo la yiraahdo Maxamed Cabdulle Xasan kaasoo aasaasay sannadkii 1897kii dhaqdhaqaaq uu ugu magacdaray dhaqdhaqaaqa Daraawiishta, Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu si xoog leh uga hortagay gumeystayaasha oo ay Itoobiya ugu horraysay, waxayna kuwaasi doonayeen in Soomaaliya ay ka baabi’iyaan diinteeda iyo midnimadeeda.

Maxamed Cabdulle Xasan waxay naftu ka baxday bishii december sannadkii 1920kii, geeridiisa kaddibna waxaa Soomaalida gudaheeda ka dhex dhashay khilaafaad, waxayna taasi dhalisay in dhaqdhaqaaqii daraawiishta uu hoos u dhaco waxaana khilaafkaasi ka faa’idaystay gumeystayaasha oo ay Itoobiya ugu horraysay, inkastoo markii danbe la xaliyay khilaafkii.

Inkastoo halyeygii daraawiishta ee Maxamed Cabdulle Xasan uu ifka ka tegay haddana waxaa soo if baxay dad dabeecaddiisa oo kale qaatay oo gumeysiga neceb dalkana jecel, halkii ayayna ka sii anbaqaadeen oo dagaalkii gumeysiga lagula jiray ka sii wadeen, gumeysigii Ingiriiskana waxaa u suuraggashay intii lagu jiray dagaal weynihii labaad ee adduunka in uu ka guulaysto oo uu jebiyo ciidamadii Talyaaniga ee ku sugnaa bariga Afrika wuxuuna ka saaray dhulka Soomaaliya, sidaas daraadeed gobolladii Soomaaliya oo dhan oo aan Jabuuti ku jirin ayuu gacanta ku dhigay.

Soomaalidu mey noqon kuwo aqbala gumeysiga Ingiriiska iyagoo ka dheregsanaa dhibkii uu u geestay gumeysigii Talyaaniga gaar ahaan markay soo ifbaxday oo la ogaaday aragtiyada cusub ee ay la timid dagaal weynihii labaad ee adduunka oo ku saabsanaa xornimada iyo aaya ka talinta ummadaha.

Shacabka Soomaaliyeed ee waddaniga ah uma kala duwanayn gumeystayaasha nooc kastuu ahaadaba, gaar ahaan markay si lama filaan ah u arkeen 07/08/1940 in gumeysigii Talyaaniga uu dalkii ka sii baxayo, waxaana markaasi sii xoogeystay iska warqabka Soomaalidii ku sugnayd meelihii uu Talyaanigu haystay, waxayna si lama filaan ah u arkeen in gumeysigii Ingiriiska uu ku soo noqday Soomaaliya 17/03/1941.

Ingiriisku wuxuu markaasi u hawlgalay sidii ay gumeystayaasha kaleba sameeyeen in uu ka hortago dhaqdhaqaaq kasta oo waddani ah, markii danbane wuxuu ka hortagay labadii xisbi ee waddaniga ahaa ee S.Y.L ee ka dhisnaa konfurta iyo S.N.L. oo ka dhisnaa waqooyiga.

Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo gobannimodoon ahaa ayaa dalkii Soomaaliya ka bilawday kaasoo loogu gol lahaa in dalka Soomaaliya lagu soo dabbaalo cadceedda xorriyadda, sannadkii 1928kii waxaa dhaqdhaqaaq waddani ah oo la magac baxay jamciyadda khayriyada ka bilawday magaalada Hargeysa kaddibna wuxuu ku fiday gobollada waqooyi ee Soomaaliya oo markaasi gumeysanayay Ingiriiska, jamciyaddu waxay u hawlgashay sidii ay ugu halgami lahayd in gobollada waqooyi laga ciribtiro lagana saaro gumeystaha Ingiriiska oo cadaadis iyo kala sarraynba kula kacayay shacabkii Soomaaliyeed.

Sannadkii 1937kii waxaa jamciyaddii khayriyada madax u noqday Xaaji Faarax Oomaar wuxuuna u halgamay faafinta aqoonta carabiga iyo islaamka iyo ka hortagga gumeysiga, jamciyaddaasi waxaa xubin ka ahaa 28 xubnood afkaarteeda waddaniga ahaydna waxay ku faaftay dhammaan gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Xaaji Faarxax Oamaar oo culunnta islaamka iyo afka carabiga ku soo bartay magaalada Cadan ee dalka Yemen waxaa hadalkiisa ka mid ahaa: dhulkaygu uma oggoli in la qaybiyo, wuxuuna ku geeriyooday magaalada Jikjiga sannadkii 1948kii isagoo markaasi u joogay musaafuris ahaan, wuxuuna jiray 120 sannadood waxaana lagu duugay magaalada Haregeysa sida uu ku dardaarmay intuu noolaa.

Gobollada waqooyi waxaa ka soo if baxay xisbi siyaasi ah oo waddani ah lana magac baxay xisbiga raabitada waddaniga Soomaaliyeed waxaana madax u  noqday Sheekh Cumar Askar, ujeeddooyinka xisbiguna wuxuu ahaa:

-In la helo gobannimo buuxda oo aan shuruud lahayn.

-In la mideeyo dhammaan qaybaha Soomaaliya.

-In kor loo qaado heerka maciishada shacabka Soomaaliyeed iyo in la kobciyo dhaqaalaha qaranka.

-In la ciribtiro jahliga lana fidiyo culuunta islaamka iyo afka carabiga.

-In lala dagaalamo qabiilka lana baabi’iyo nidaamka qabaliga ah ee xeerka loo yaqaano ee fasaadka ah, kaasoo uu ku adeegsanayay gumeysiga kana danbeeyay abuuritaankiisa.

Gobollada konfureedna waxaa ka soo if baxay xisbi siyaasi ah oo waddani ah lana magac baxay S.Y.L. (Somali Youth League), wuxuu ahaa xisbi gobannimodoon ah, wuxuu u halgamay madaxbannaanida ummadda Soomaaliyeed, wuxuu ahaa xisbi ka dhexeeyay ummadda Soomaaliyeed, wuxuu ku fiday dhammaan gobollada dalka Soomaaliya, wuxuu ahaa xisbi siyaasi ah, wuxuu dagaal ku qaaday gumeystayaasha, wuxuuna doonayay in dalka lagu dhaqo diinta islaamka.

15ka Mey waa maalintii aasaaska loo dhigay xisbigaasi waddaniga ahaa, ummadda Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ahna waxay maalintaasi af buuxa ku yiraahdeen: haa S.Y.L., haa 15ka Mey, haa 13kii dhallinyaro ee aasaaska u dhigay S.Y.L., haa halganka ay u galeen in ay gumeystayaasha ka tuuraan dalka, sidaas daraadeed ayaanay marna u dhici karin in ummadda Soomaaliyeed quluubtooda laga tirtiro ama maskaxdooda laga suuliyo maalintaas qiimaha ku leh.

Ummadda Soomaaliyeed waa ummad xamaasad leh, taasina waxay markhaati u tahay sida ay u garab istaageen markuu ifka u soo baxay xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L., wuxuuna xisbigu maalmo yar kaddib awooday in barnaamijkiisa uu ku baaho kuna fido dhammaan gobollada dalka uu ka kooban yahay iyo waliba Soomaalidii degganayd waddamadii ajnebiga, waxayna ummadda Soomaaliyeed naftooda iyo maalkooduba u hureen sidii uu u guulaysan lahaa xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L., waxayna meel kastoo ay joogeen ku dhawaaqayeen gumeysi dooni meyno, gaalnimo dooni meyno, gunnimo dooni meyno, gobannimo ayaanu doonaynaa, waxaana taageersanahay xisbiga S.Y.L. iyo hormuudyadooda.

Gumeystayaashii markii ay arkeen howlahaasi waddaniyada ah, waxay bilaabeen in ay kordhiyaan cadaadiskii ay ku haayeen shacabka, waxayna la saaxiibeen shakhsiyaad Soomaali ah iyo axsaab aan waddani ahayn si ay u fuliyaan danaha gumeystayaasha iyaguna ay danahooda ku fushadaan, laakiinse falalkaas ay gumeystayaashu iyo saaxiibadooda kula kacayeen ummaddii qiiraysnayd kuma ridin wax niyad jab ah, waxaase sii kordhayay maalinba maalinta ka sii danbaysa siina xoogaysanayay isku xirnaanta iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed, waxayna dagaal ay u wadajiraan ku qaadeen gumeystayaasha iyo kuwii ay isku fikradda ahaayeen.

Xisbigii S.Y.L. oo halgan dheer u galay sidii loo hanan lahaa madaxbannaani buuxda ayaa hormuudyadii S.Y.L. waxba ka guran mirahii xornimada kuna raaxaysan neecawdii gobannimada, dawladihii ka jiray Soomaaliyana waxaysan daacad u noqon waddaniyiintooda waxayna ka door bideen danahadooda gaar ahaaneed.          

Gumeystayaashii iyo Soomaalidii ay isku danta ahaayeen waxay ummadda Soomaaliyeed u diideen in ay gartaan kee baa saaxiib la ah, kee baana cadow la ah, waxayna danaystayaashu olole u galeen sidii ay ummadda uga dhaadhicin lahaayeen in gumeystayaashu ay dalka u wadaan khayr horumarna ay gaarsiinayaan.

Allaha u naxariiste 13kii dhallinyaro ee hormuudka u ahaa xisbigii waddaniga ahaa ee S.Y.L. oo dhammaantood ifka ka tegay ayaa ummadda Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ahi murugoodeen markii ay arkeen intii u danbaysay ee geesiyaashaasi ka mid ahaa oo qaarna qaxooti ku ahaa dibedda, qaarna xabbad iska socota kun naf waayay qaarna ku silcay gudaha Soomaaliya. 

S.Y.L.(Somali Youth League) wuxuu ahaa xisbigii u halgamay in uu gobollada konfureed ka xorreeyo gumeysigii Talyaaniga, wuxuuna gacan iyo taageeraba ka helay shacabkiisa waddaniyiinta ah, xisbigii S.N.L.nawuxuu ahaa xisbigii u halgamay in uu gobollada waqooyi ka xorreeyo gumeysigii Ingiriiska, wuxuuna garab iyo taageeraba ka helay shacabkiisa waddaniyiinta ah.

Madaxda adduunka waxay sharfaan oo ay tixgeliyaan geesiyaashooda u soo halgamay dalalkooda, innaguna tixgelin iyo sharfid iska daayee, shacabkii ayaanba illowsiina.

Hormuudyada S.Y.L. waxay kala ahaayeen:

1-Yaasiin Xaaji Cusmaan

2-Cabdulqaadir Sheekh Sakhaawadiin

3-Xaaji Maxamed Xuseen

4-Daahir Xaaji Cusmaan

5-Maxamed Cali Nuur

6-Maxamed Cusmaan Baarbe

7-Khaliif Huudow Macallin

8-Sayiddiin Xersi Nuur

9-Cusmaan Geeddi Raage

10-Dheere Xaaji Dheere

11-Cali Xasan Maslax

12-Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi

13-Maxamed Faarax Hilowle, waa inoo berri iyo qaybtii 3aad inshaa Allah.

Facebook: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen Maxamedeyn

Whatsapp: 0685732185