Haddii aad Mas’uul tahay, Qof aadan aqoon Jinsigiisa  ha ku dulmin, Hadii kale=Nasashada Jimcaha. Q-199=

1-Aabe ayaa ku yiri: Gabadhiisa oo 8 jir ah. Maanta maxaad ka fikereysaa? waa Adiga kaligaa isla hadlayee? Waxa ey tiri: Waxaan ka fikerayay Aniga oo la murmayo Ninkeeyga oo Xaas kale guursaday. ( F.S: 1aad)

( Nin Saraakiishii hore ahaa, ayaa arkay Asgari Dable ah oo Darbi fadhiya oo Fikirayo. Sarkaalkii ayaa ku yiri: Maxaad ka fikireeysay?. Dablihii ayaa yiri: waxaan ka fikirayay in aan Janaraal noqdo Sanadka dambe. Sarkaalkii hore ayaa yiri: Sideed ku noqone?. Dablihii ayaa yiri: mid Habar yarteey dhashay yaa Sannadka dambe musharax Madaxweyne ah, Taageerada Dalka Qadarna waa heeystaa. Musharaxa kale laftiisu hadduu soo baxana, wixii sharcigu diidan yahay ayaan u sameeynaa. Sarkaalkii hore waa ooyay. Maxaa ku dhacay?) ( F.S: 2aad)

2-Oday Ganacsade ahaa oo Xaaskiisa ugu Faani jiray ,mashquulkeeyga ayaa badan, Dekada , Bakhaarka iyo Xafiiska ayaan ku daalay ee haddii firaaqo aan kugula joogo aan kuu heli lahaa, 20 jir miyaad noqotay ayaad i dhihi leheyd. Corona yimid, Firaaqadiina waa la helay, Xaaskii waa is diyaarisay, Odaygiina wax iskuma hayo. Ar Corone ka shifaad badanaa. ( F.S: 3aad)

( Musharax kasta, waxa uu yiraa: Haddii la i doorto, Nabadgalyada, wax barashada, Cadaaladda, tayada Ciidanka iyo Midnimada ayaan horumarin lahaa. haddii la doorto kadib , !!!!! Xamar Dad aan ka fiirsan waa ceebeeyay, Dad badanaa horuugu hungoobay Xamar iyo Xog ogaal la’aan)

3-Robert Mugabi ayaa yiri: Cristiano Roland iyo Lionel Messi hal Subax iskama soo toosin iyaga oo ku wanaagsan Ciyaaraha. Tababar badan ayeey Muddo dheer soo qaateen. Saaxiib, haddii Xaaskaaga cusub ey kugu tiraa: Sariirta ayaan aad ugu wanaagsanahay ,ogow waxa ey waqti dheer soo qaadatay Tababar.

( Xafiiska Shaqa qoristoow. Haddii Qof Qorba jooga ihi ku yiraa: weligeey shaqadaan ma qaban, laakin khibrad ayaan u leeyahay, iska hubi)

4-Nin ayaa Xaaskiisii Telefon u soo diray kuna yiri: Babe, Calaamadihii Corono oo dhan ayaan isku arkay, meel ayaan isku karaantiilayaa. Ma rabao in aan Coronaha idinku qabadsiiyo Adiga iyo Caruurta, Xatta waxaan Suuqa Waaberi ka soo iibsaday “Corona Buruuf”. ii soo duceeya. Yaah !!!. Abaay Xaliimo weli Ducadii ayeey wadaa , isagiina Aroosad ayuu 7 kula jiraa. ( F.S: 4aad)

( Haddii Duqaagu karoone Qabo, Guriga ama Isbitaalka mid ku hubso)

5-Nin Agaasime ahaa, ayaa isaga oo Suuqa ku wareegayo ayuu ku arkay Nin Jareer ah oo aad iyo aad ugu eg isaga. Agaasimihii oo dhoola cadeeynayo kuna jees jeesayo ayaa ku yiri: wayaa, Markii Aabaheey uu wasiirka ahaa, Gurigeena Gabdho badan oo Jareer ah ayaa ka shaqeey jiray. Intii aadan dhalan Hooyadaa weli Booyaas wasiir ma noqotay. Siidoow ayaa yiri: Maya, laakin Aabaheey ayaa Guri wasiir ka shaqeeyn jiray. ( F.S: 5aad)

( Haddii aad Mas’uul tahay, Qof aadan aqoon Jinsigiisa  ha ku dulmin, Hadii kale)

6-Haweeneey ka mid aheyd Xoogagii Guulwadayaashii Kacaanka ayaa lagula balamay in ey Markhaati been ah ku furto Nin dhibane ahaa, in uu Kufsaday. Qareenkii u doodayay Dhibanaha ayaa si uu uga careeysiiyo Haweeneeydii ku yiri: Laakin Ninkani nooma sheegi, ee Labadaada Lugood dhaxdooda Timo ma ku leedahay?. iyada oo xishoonee ayeey tiri: Maya, kuma lihi. Qareenkii ayaa yiri: Waa Runtaa oo Cowsku kama baxo meelaha socodku ku bato. Hadana waxa ey tiri: Beentii, Beentii, waan ku leeyahay Ninkaasina Cowradeeyda maba arag.

( Si aad Masuul u qanciso, markhaati beena ha furin)

Qore: Yahya Amir