Gabadhii ugu horreysey oo dhigata dugsi caruuta cadaanka dhigtaan


14 Nofember 1960, Ruby Bridges waxey noqotey gabadhii ugu horreysey oo dhigata Dugsi Waxbarasho oo caruurta caddaanka Mareykanka ay dhigtaan. Ciidamo dhar cad ayaa dhinacyada ka socda si amniga Ruby loo sugo madaama waalidiin badan oo caddaan ah aad u diidanaayeen in gabar madow ah fasalka la fariisato caruurtooda.

Iskuulka magaciisa waxaa la oran jirey William Frantz Elementary, wuxuuna ku yaaley magaalada New Orleans.

Gobollada Koonfureed ee Mareekanka xilligaas aad ayey u xoogganayd cunsuriyada midab kala sooca ku dhisan. Dadka madow xaalad adag ayey ku noolaayeen.

Gaadiidka dadweynaha kuraasta danbe ayey ka fariisan jireen, safafka horena dadka cadaanka ayaa fariisan jirey, haddii qof caddaan ah soo fuulo buska oo ay buuxaan kuraasta hore, safka ugu horeeya ee dadka madowee fadhiya ayaa fadhiga ka kici jirey si qofka cad u fariisto.

Looma ogoleyn dadka madow in doorashada mid deegaan iyo mida federaalba ka qayb qaataan, waxbarashada looma ogoleyn in caruurta madow Iskuulka la dhigtaan caruurta cadaanka ah.

Waa 60 sano ka hor iyo Mareykanka ma aha waqti fog. Soomaalida waxey Mareykan tageen iyadoo dhiig badan loo soo daadiyey si qofka madow xaquuq iyo sinnaan u helo. Maantana gabar Soomaaliyeed baa fadhida Baarlamaanka Mareykan iyada oo dhowr sano ka hor qaxootinimo ku tagtey dalka Mareykanka. Waayuhu maxey isbedeleen !.

Ilyaas Mohamud Hussein