Ciidamada Booliiska oo Howlgalo baaritaano ah ka wada Xaafado ka tirsan degmada Afgooye.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay ilaa saaka waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kadib dil xalay ka dhacay degmadaas.

Degmada Afgooye ayaa Kooxo ku hubeysnaa bustoolado waxaa waxaa ay xalay ku dileen Cabdiwali Colaad Qanyare Gaatamow oo ahaa Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Afgooye,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgalka uga wadaan Xaafada Xaawa-Taako oo uu dilka ka dhacay,waxaana goobjoogayaal sheegeen in Ciidamadu ay qab qabteen dad u badan Dhalinyaro,kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Afgooye.

Dhanka kale Ciidamada weli wax faah faahin ah kama bixin howlgalkaas,waxaana dad ku sugan Afgooye ay sheegeen in uu weli socdo,isla markaana uu saameyn ku yeeshay Goobaha Ganacsiga.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga xun Gobolkaas,waxaana inta badan ka dhaca dilal ay mas’uuliyadooda sheegtaan Ururka Al-Shabaab.