Muwaadiniin Maraykan ah oo qirtay in ay ka dambeeyeen afgambii dhicisoobay ee Venezuela.

Taleefishinka qaranka ee Venezuela ayaa soo bandhigay muuqaal lagu muujinayo in muwaadiniin Ameerikaan ah ay maleegayeen in ay xilka ka tuuraan Madaxweyne Nicolás Maduro oo ay misana geeyaan waddanka Mareykanka.

Luke Denman waxa uu ka mid ahaa 13 qof oo la xiray dabayaaqadii todobaadka. Venezuelana waxa ay sheegaysaa in ay ahaayeen “calooshood u shaqeystayaal” weerrarkoodii hubaysnaa lafashiliyay.

Mr Maduro ayaa badanaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu ku eedeeyaa in uu iskudayayo in uu xoog ku soo galo dalkiisa oo uu isaga xilka ka tuuro.

Mr Trump ayaa bilowgii todobaadkan waxa uu gaashaanka u daruuray in Mareykanku uu arrintaas ku lugleeyahay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka “ay adeegsan doonto wax walba” oo ay ku xaqiijinayso in raggaasi Ameerikaanka ah ay dib ugu soo laabtaan.

Arbacadii ayaa waxaa muuqaal ku soo baxay, Mr Denman, oo ah 34-jir, kaas oo u muuqanayay in uu sharaxayay sida loogu soo kiraystay in uu dad u dhashay Venezuela ku tababaro Colombia ka hor inta uusan dib ugu soo laaban Caracas oo uusan la wareegin gacan ku haynta garoonka diyaaradaha si uu u fududeeyo in Mr Maduro dalka looga saaro.

“Waxaan dadka Venezuela gacan ka siinayay in ay dib ula wareegaan maamulka dalkooda,” Mr Denman, oo hore uga tirsanaan jiray ciidammada howlgalka gaarka ah ee Mareykanka ayaa u muuqanayay in uu sidaasi leeyahay.

Mr Denman ayaa sheegay in isaga iyo Airan Berry, oo 41-jir ah, uu qandaraas siiyay Jordan Goudreau, oo ah halyey hore oo milateriga Mareykanka ah kaas oo hogaamiya shirkadda Mareykanka ee Silvercorp, si ay howlgalka u fuliyaan.

Venezuela ayaa sheegtay in ay dalban doonto in loo soo dhoofiyo Mr Goudreau, kaas oo qirtay inuu howlgalka ku lug lahaa.File photo of President Maduro

Sida uu sheegay Mr Maduro, shirkadda Silvercorp ayaa waxa ay qandaraas la saxiixatay hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaidó, kaas oo ah siyaasi ay Mareykanka iyo dalal badan oo Yurub u arkaan hogaamiyaha sharciga ah ee Venezuela.

“Donald Trump ayaa ah madaxa hogaaminayay weerrarkan”, ayuu yiri Mr Maduro mar uu ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay kaddib mar la baahiyay muuqaalka Mr Denman.

Source:BBCSomali