Madaxweynha Jubaland oo ku dhawaaqay sadax maalin oo Baroordiiq ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha ha u naxariistee Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyooday dalka dibadiisa.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay tariikhda Macalin Maxamed Ibraahim uu ku lahaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar haan Bulshada Jubbaland.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhismihii Dowladnimada Jubbaland uu door aan la iloobi doonin uu ku lahaa isagoo mar walba ahaa shaqsi u taagan Arimaha dib u heshiisinta iyo wadajirka umada waxaa uu Madaxweynahu xusay in uu ahaa shaqsi muhiim ah oo ka baxay ree Jubbaland.

Xaalad caafimaad ayuu sheegay Madaxweynahu inuu u joogay dalka Hindiya halkaas oo uu ugu geeriyooday Cudurka Kansarka isla markana mudooyinkii u danbeeyay lagula tacaalayay xaaladiisa caafimaad.

Dhanka kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in Sadex maalmood oo baroor diiq ah ay galayso Jubbaland Isla markaana buuga Tacsida Wasiirka la dhigi doono Xarunta Wasaarada Waxbarashada isagoo intaas ku daray in loogu magac dari doono meel munaasib ku ah si loogu xusuusto doorkii wanaagsanaa ee uu ku lahaa dhismaha Jubbaland.