Wasaaradaha Waxbarashada XFS, Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir oo kulan ka yeeshay Imtixaanka Shahaadiga.

Kulan wadajir ah ay yeesheen Wasaaradaha Waxbarashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir waxa ay kaga arrinsadeen qaadista Imtixaan sanadeedka Shahaadiga ee fasalada 8-aad iyo 12-aad.

Bishaan May sanad waliba ayaa la qaadaa Imtixaanka Ardayda ka gudbeyso fasalka 8-aad Dugsiga Dhexe, iyo kuwa dhameenaya Dugsiga sare ee fasalka 12-aad si ay u guda galaan Waxbarashada Jaamacadda.

Kulankaan waxaa kasoo baxay afar qodob oo ay isla garteen Wasaaradaha Waxbarashada XFS, Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka aqriso qodobada: