Sheekh Shariif oo ka tacsideeyey dadkii ku geeriyooday Diyaaradii ku burburtay Berdaale, kuna baaqay Baaritaan Hufan.

Madaxweynihii hore ee DKMGS, ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran waxa uu ku baaqay in Baaritaan Hufan lagu sameeyo Diyaaradii shalay galab ku burburtay Degmadda Berdaale ee Dowlad-gobaleedka KGS.

Qoraal ku qoran Luqadda English-ka oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxa uu u qornaa sidatan:

Diyaarad Gargaar Daawo ee COVID 19 u waday dadweynaha ku nool Degmadda Berdaale ee Dowlad-gobaleedka KGS ayaa waxaa qabsaday shil bar-tilmaameed ah.

Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ilo lagu kalsoonaan karo, Diyaaradda waxaa ku dhacay Gantaal sababay inay dhulka ku soo dhacdo, isla markaana ay wada geeriyoodaan afartii Shaqaalaha Diyaaradda iyo 2 qof oo Rakaab ahaa.
Shaki kuma jiro inay dhacdadan khatar gelinayso Duullimaadka Hawada oo ah midka ugu shacbiyadda badan ee Gaadiidka Gudaha.

Waxaan ka cambaaraynaa Falkaasi Bahalnimadda, waxaana u tacsideynayaa Qoysaskai yo Saaxiibadda ee kuwii naftooda ku waayey shilkaasi karaahida (nacaybka ) ahaa.

Waxaan codsanayaa Baaritaan Hufan oo lagu aqoonsanayo Dembiilayaasha iyo in Natiijadda ka soo baxda Baaritaanadaasi lala wadaago dadweynaha