Halgankii S.Y.L. iyo geesiyaashooda u soo halgamay sidii ay dalkooda uga xorrayn lahaayeen gumeystaha

Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Qaybta 1aad iyo halgankii S.Y.L., Soomaaliya waxay dunida kaga taala bariga Afika, bedka Soomaaliya waxaa lagu qaddiray 320 kun mayl oo isku soo wareeg ah ama 640 kun kiilo meter oo isku soo wareeg ah, dhinaca bari waxaa ka xiga badweynta India, galbeedkana Itoobiya, waqooyina badda cas, khaliijka Cadan iyo Jabuuti, konfurna Kenya, waxayna Soomaaliya ku taal meel istaraatiiji ah, waxayna leedahay xeebta ugu dheer Afrika, waxaana dhererkeedu lagu qaddiray 3335 kiilo meter, ballaceeduna 170 kiilo meter.

Soomaaliya waxay leedahay labo webi oo waaweyn lana kala yiraahdo: Jubba iyo Shabeelle, Shabeellana waa webiga ugu dheer bariga Afrika kaasoo dhererkiisu lagu qaddiray 2488 kiilo meter oo isku soo wareeg ah, dhul beero ku habboona Soomaaliya wey leedahay.

Inkastoo Soomaaliya lagu tiriyo waddamada kulul ee Afrika “iyadoo konfurta Soomaaliya uu maro dhul baraha addunka ee loo yaqaano Equator, isagoo mara meel la yiraahdo Sanguuni oo u dhow magaalada Kismaayo ” haddana Soomaaliya waxaa jawigeedu lagu tiriyaa mid dhexdhexaad ah oo aan kulaylna ahayn qabowna ahayn.

Tirakoob rasmi ah lagama hayo Soomaaliya waxaana ugu wacan dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay, kaasoo ay ku nafwaayeen in ka badan nus malyuun ruux.

Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada taariikhda fog leh, waxayna leedahay geesiyaal ay ku faanto oo u soo halgamay madaxbannaanida ummadda Soomaaliyeed, haseyeeshe waxaa ayaandarro noqotay in markii gacanta lagu dhigay gobannimadii dalka 1960kii ilaa markii dib loo burburiyay dalkii iyo dawladnimadiiba 1991kii, waxaa la dafiri jiray xaqii iyo xuquuqdii ay lahaayeen halgameyaashii u soo halgamay gobannimada, mana dhicin wax abaabul ah ama barnaamijyo nidaamsan oo loogu talogalay bulshada iyo ardada Soomaaliyeed sidii loo bari lahaa taariikhdooda dahabiga ah iyo geesiyaashooda sharafta leh.

Labadii dawladood ee rayidka ahayd iyo tii ka danbaysay ee militariga ahaydba waxaanay isku shuqlin horumarka dalka iyo dadkaba, ururadii ka danbeeyayna oo isku sheegayay in ay dalka ku soo celin doonaan nidaam iyo caddaalad ayaanay run ka noqon waxayna u horseedeen in qabiil kasta uu maamul gooni ah samaysto, madaxweyne u gaar ahna loo caleemo saaro, midnimadiina halkaas lagu gowraco.

Dawlad kasta oo dunida ka jirta waxay ku faantaa oo ay qiime u yeeshaa geesiyaashooda, innaguna waxaa nalaga helayaa dad badan oo Soomaali ah in ay la ujeeddo noqdeen gumeystayaashii dalkeena xukumi jireen, kuwaasoo dantooda ahayd in ummadda Soomaaliyeed aan la barin taariikhdooda dahabiga ah iyo geesiyaashooda waddaniyiinta ah, lagana dhigo dal aan lahayn dad u soo halgamay, waxaase nasiib wanaag ah in ummadda Soomaaliyeed aan la illowsiin karin geesiyaashooda iyo xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L., waxay ummadda Soomaaliyeed illoobi karin kuwii dhulkooda kala qaybiyay kalana qaybsaday qolo qolona u kala qaybiyay, waxay kaloo illoobi karin kuwii walaalahooda ahaa oo gacan saarka la ahaa gumeystayaashaasi.

Bishii Juun 26keeda 1960kii, gobollada waqooyi waxay gacanta ku dhigeen gobannimadooda, waxayna ka xorroobeen gumeysigii Ingiriiska, isla sannadkaasina bishii Julay, gobolladii konfureed waxay gacanta ku dhigeen gobannimadooda, iyagoo ka xorroobay gumeysigii Talyaaniga, dabadeedna waxaa isku darsamay labada gobol, waxaana halkaasi lagu dhisay jamhuuriyadda Soomaaliya, shacabkuna aad iyo aad bay ugu riyaaqeen una soo dhoweeyeen isku darkaas labada gobol.

Bishii Sebtember sannadkii 1960kii waxay Soomaaliya ku biirtay qaramada midoobay, sannadkii 1963kiina waxay ku biirtay ururkii midowga Afrika, bishii febraayona 14keeda sannadkii 1974kii waxay ku biirtay jaamacadda carabta, madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya xukuma waxaa la oran jiray Aden Cabdulle Cusmaan.

Sannadkii 1967 waxaa la doortay madaxweyne cusub oo la oran jiray Cabdurashiid Cali Sharmarke, isagoo ku yimid doorasho xor ah, haseyeeshe isagoo booqasho ku maraayay gobollada bishii oktober 15keeda sannadkii 1969kii ayaa la dilay, 21kii oktoberna sannadkii1969kiina waxaa dalkii ka dhacay afgenbi militari ah oo uu hoggaaminaayay Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna sannadkii 1972kii hirgeliyay qoraalka af Soomaaliga.

Intii lagu jiray xukunkii militeriga ahayd waxaa la isku dayay dhowr afgenbi oo dhicisoobay, dawladaha Itoobiya iyo Kenyana waxay olole u galeen sidii loo baabi’in lahaa magaca Soomaali weyn, sannadkii 1977kii waaxaa gobannimo helay dalka Jabuuti, wuxuuna ka xorroobay Faransiiska, wuxuuna dalkaasi noqday dal iskiisa u taagan, halkaasina waxaa ka bilowday gowricii loo geestay Soomaali weyn.

Dabayaaqadii sannadkii 1990kii waxaa dalka ka dhacay dagaal ahli ah oo lagu hoobtay, wuxuuna dagaalkaas ahliga ah sababay in gebi ahaanba uu dalkii burburo dawladnimadiina la waayo in ka badan 25 sannadood, waxaayna taasi sababtay in qabiil kasta uu dawlad samaysto, cadowgii Soomaali weyn ee Itoobiya iyo Kenyana lala heshiiyo, dadkiina ay intooda badan qaxooti ku noqdaan Itoobiya iyo Kenya iyo adduunka meelihiisa kale.

Aan u soo laabto dulucda mowduucayga oo ah halgankii SYL, shirkii lagu qabtay magaalada Barliin ee dalka Germany sannadku markuu ahaa 1884kii laguna gorfeynayey sidii loo qeybsan lahaa adduunka tabartadaran ama waxa loogu yeeray dunida saddexaad ayaa Soomaaliya ka mid noqotay waddamadii cadcadka loo kala dhigay dabadeedna la qaybsaday, waddamadii reer galbeedka ahaana ee ka qaybgalay shirkaasi waxaa ku wehlisay boqortooyadii Itoobiya oo markaasi loo arkaayey boqortooyo awood buuxda ku leh gobolka, taageero siyaasadeed, dhaqaaleed iyo mid caadifadeedba ka helaysay reer galbeedka si mandiqada looga baabi’iyo diinta islaamka.

Dalka Soomaaliya waxaa loo kala dhigay shan qaybood: Jabuuti oo markii hore loo yiqiinay Somali France waxaa la booday Faransiiska, Ingiriisku wuxuu gacanta ku dhigay sannadkii 1887kii waqooyiga Soomaaliya, wuxuuna ula baxay Somali England, Talyaaniguna wuxuu gacanta ku dhigay labadii bishii Febraayo sannadkii 1885kii (qaar kalena waxay sannadka ku sheegeen 1889kii) konfurta Soomaaliya, wuxuuna ula baxay Somali Italy, qaybta afaraad oo loo yaqaano Soomaali galbeed waxaa boobay oo gacanta ku dhigtay boqortooyadii Itoobiya sannadku markuu ahaa 1885kii (qaar kalena waxay taariikhdu ku sheegeen 26kii bishii kowaad sannadkii 1887kii), Itoobiya waxay gobolka oo dhan isku ballaarisay sannadku markuu ahaa 1897kii taasoo ka danbaysay heshiis xudduudeed oo dhexmaray Ingiriiska iyo Itoobiya

Itoobiya waxay rumaysnayd ilaa iyo imminkana ay rumaysan tahay in Soomaaliya oo dhan lagu soo wareejiyo Itoobiya iyadoo sabab uga dhigaysay:

-In Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo xiriir jinsiyeed, taariikheed, diineed iyo mid dhaqaaleedba ayna wadaagaan nidaamyada dhaqaalaha bulshada iyo qabiilkaba.

-Dekedaha Soomaaliya ee badweynta Hindiya waa dariiqa ganacsiga ee konfurta Itoobiya.

-Dhulka Soomaaliya ee uu ka taliyo Talyaaniga ma’ahan dhul isku filnaan kara, dhaqaale ahaan, xalka ugu fiicana waa in la hoos keeno Itoobiya.

-Haddii Talyaanigu uu ku soo laabto Soomaaliya taasi waxay khatar u tahay Itoobiya, waayo markuu Talyaanigu ku soo duulayay Itoobiya sannadkii 1935kii wuxuu saldhig ka dhigtay Soomaaliya.

Itoobiya waxay markasta isku dayaysay sidii ay Soomaaliya oo dhanba gacanta ugu dhigi lahayd, laga soo bilaabo duulaankii ay ku qaadday geesigii Axmed Gurey ilaa markii uu dalka Soomaaliya ka dhacay dagaalkii sokeeye 1990kii iyo kaddiba, waxayna markaasi heshay dad Soomaali ah oo ku garab siiya riyadeeda ahayd in Soomaaliya ay tahay qayb ka mid ah Itoobiyada weyn.

Qaybta ay Itoobiya gacanta ku dhigtay waa qaybta ugu hodansan uguna ballaaran shanta qaybood ee Soomaaliya loo qaybiyay, waxaana qaybtaasi xarun u ah Harar, qaybtii shanaad oo xad la leh Kenya loona yaqaano NFD, waxaa markii hore gacanta ku dhigay Ingiriiska markii danbana wuxuu si sharcidarro ah ugu wareejiyay Kenya, waxaana bedkeedu lagu qaddiray 35000 kiilo meter, qaybta Faransiika la booday oo imminka loo yaqaano Jabuuti, waa qayb istraatiiji ah, Faransiiskana wuxuu markasta ku dadaali jiray si aysan qaybtaasi gacantiisa uga bixin, Soomaali weyna aysan uga mid noqon.

Bedka Jabuuti waxaa lagu qiyaasay 23000 kiilo meter oo isku soo wareeg ah, Ingiriiska oo ka mid ahaa dalalkii uu gumeysan jiray Soomaaliya ayuusan uga tegin wax wanaagsan oo loo aayo, mashaakilada xudduudeed ee ka jira dunida oo ay Soomaaliya ka mid tahay waxaa loo aanaynayaa Ingiriiska, dhibaatada ka jirta bariga dhexe isagaa aabbe u ah, mashaakilada Kashmiir ee dhex taala Hindiya iyo Pakistana isagaa sabab u ah, dhulkii ay Soomaaliya lahaydna isagaa  gacanta u geliyay Kenya, waa inoo berri iyo qaybtii 2aad inshaa Allah.

Facebook: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen Maxamedeyn

Whatsapp: 0685732185