Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in baaritaan uu ku socdo diyaarad ku dhacday Bardaale

Muqdisho:-Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War ka soo saartay diyaaradii ku dhacday degmada Bardaale ee ay ku dhinteen 6 Ruux oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.

Wasaaradda  ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyneyso sababta keentay in  diyaaradaasi oo sidday shixnad daawo ah ay ku dhacdo Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Wasaaradda Gaadiidka waxaa ay sheegtay in diyaaradda ay laheyd Shirkadda African Airways,isla markaana ay gargaar caafimaad u wadday dadka ku dhaqan halkaasi,iyadoo tacsi looo diray dadkii wax ku noqday shilkaasi diyaaradeed