DFS oo sheegtay in la ballaarinayo xarumaha lagu baaro dadka looga shakiyo Covid-19.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo shir guddoominayay kulanka joogtada ah ee dhexmara Guddiga Qaran ee xakameynta Fayruska dilaaga ah ee Covid-19, waxa uu xubnaha guddigaas kala hadlay sida loo kordhin karo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyay Coronavirus.

Xubnaha guddiga ayaa laga dhageystay Warbixin la xiriirta kiisaska cudurka ee dalka laga helay, waxaana ay soo jeediyeen in la kordhiyo goobaha baarista oo hadda kaliya ku eg isbitaalka Martiini.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in la kordhinayo goobaha baarista cudurka Corona si loo kordhiyo adeegyada caafimaad ee looga hortagayo khatarta fayruskaan.

Shaybaarka lagu baaro shaqsiyaadka qaarkood lagu arkay calaamadaha cudurka iyo kuwa aan ka muuqan jir ahaanta waxaa lasoo gudbiyaa jawaab natiijada kasoo baxda baaritaanada 24-kii saacba mar.

Guddiga qaran ee kahor tagga faafidda Covid-19 ayaa xiliyada habeenkii ku kulma qaabka Muuqaalka tooska ah (Vedio Conference), waxa ay wadaagaan talooyinka wax looga qaban karo, iyada oo laga duulayo kiisaska saacado kahor xiligaas ay ku dhawaaqdo Wasaaradda Caafimaadka XFS.

Kiisaska cudurkaan ee Soomaaliya laga helay guud ahaan waa 756 xaaladood, dhimashadu waa 35-ruux halka dadka ka caafimaaday ay gaarayaan 61-ruux guud ahaan dalka.