Ciidamada Dowladda oo soo saaray Miino lagu aasay inta u dhaxeeysa Oowdheegle iyo KM-50.

Muqdisho:-Hawlgal ay saakay Ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen  Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan inta u dhaxaysa Degmada Awdhiigle iyo deegaanka KM 50. ayaa waxa ay ku burburiyeen Miinooyin ay kooxaha argixisada Al-Shabaab   ku aaseen dhul ballaran oo horay cadawga  looga saaray.

Howl-galkaan Lagu bur buriyay Muniiyinka ayaa waxaa sameeyay ciidamo ka tirsan ururka 66-aad ee Guutada 14 octobar ee Ciidanka Xoogga Dalka somaliyeed ee jooga deegaankaas.

Taliyaha Ururka 66-aad ee Guutada 14-octobar ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gashaanle Axmed Maslax Xuseen oo la hadlay Warbaahinrta qaranka ayaa faah faahiyay howl-galkaan  lagu fashiliyay kooxaha Argixisada.

Ciidanka Xooga Dalka ayaa howl-gallo lagu baacsanayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka waday guud ahaan dalka waxaana Gobolka shabeellah hoose howl-gallo ay ka sameeyeen ay kala wareegeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi iyagoo qasaaro xoogan gaarsiiyay kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.