Cali Rooba “Al-Shabaab waxay caqabad ku tahay baaritaanka Corona virus”

Guddoomiyaha ismaamulka Mandheera Cali Ibraahim Rooba ayaa ka hadlay walwalka kiisaska Shaqsiyaadka looga shakiyay Cudurka Coronavirus iyo saameynta Al-Shabaab ay ku yeelatay baarista dadka lagu sameynayo.

Mandheera waxaa ku karaantiilan 19-ruux, waxaana jira shaqsiyaad kale oo looga shaki qabo inay qaadeen fayruska Corona kadib markii qaarkood lagu arkay Calaamado, halka qaarka kale uu ka tagay urta iyo dhadhanka.

Sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya, Magaalada Mandheera wali lama geyn qalabka lagu baaro dadka u baahan in ay maraan hubinta caafimaadka si loo xaqiijiyo in uu haleelay fayruska iyo in kale.

Cali Rooba ayaa sababta qalabka baarista aan loo geyn Mandheera ku sheegay in Cabsi laga muujiyay Al-Shabaab oo weeraro jidgal ah ku qaadaya Gawaarida isaga kala gudubta Dhulka Soomaalida Kenya iyo Magaalada Nairobi.

Waxa uu si gaar ah u tilmaamay inaysan awoodin in baaritaanada ay u diraan Magaalada Wajeer cabsi ay ka qabaan Al-Shabaab awgeed, sidaas darteed Dowladda Kenya ayuu ka dalbaday inay keento xalka qalabka baarista lagu gaarsiinayo Magaalada Mandheera.

“Waan jeclaan lahayn in aan isticmaalno qalabka yaalla Magaalada Wajeer haddii Mandheera aan la keenin agabkaas, balse hadda ah, saraakiisha amniga iyo anagaba ma ogolaan doonno iwaxaa deegaanka ka jira dhaqdhaqaaq dhanka Al-Shabaab n aan sidaas samayno” Ayuu yiri Cali Roba, Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar jidgal ah ka geystay waddooyinka isku xira ismaamulada Soomaalida Kenya, waxaana horay ugu tagay Macalimiinta ajaanibta, kadib markii dhowr weeraro lagu qaaday, taasina ay ku dhalisay cabsi sababtay in ugu dambeyn ay joojiyaan shaqada.