Rag Hubaysan oo Xalay Degmada Afgooye ku dilay Macalin Dugsi Qur’aan.

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in xalay halkaas rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dileen Nin la sheegay inuu ahaa Macalin Dugsi Qur’aan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Macalinka la dilay xiligii afurka kadib, xili uu ku sugnaa Xaafad ka tirsan gudaha Afgooye, isagoo u geeriyooday rasaas ay la dhaceen ragaasi Hubaysnaa.

Ragii hubeysnaa ee dilka fuliyay ayaa goobta ugu baxsaday Luuq yar oo ku yaalla halkaas, waxaana daqiiqado kadib goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada iyo qaar kamid ah Ehelada Marxuumka, iyagoo ka qaaday Meydka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Booliska Afgooye ay bilaabeen howlgalo kala duwan oo lagu raadinayo ragii dilka fuliyay, hayeehsee lama shaacin in howlgalka dadka lagu soo qabtay iyo inkale.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto dad shacab ah iyo Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda, waxaana inta badan dilalkaas sheegta Al-shabaab.