Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada oo lagu laayey Gobolka Shabeellaha Hoose.

Muqdisho:- Maleeshiyad ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in weerar arbushaad ah ey ku soo qaadan fariisimaha ciidamada xooga dalka ay ku leeyihiin deegaanada ceel saliini iyo bariire oo ka tirsan gobolka shabeelada hoose ayaa araxda looga jabiyay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in tobaneeyo ka mid ah Al-Shabaab weerarka soo qaaday la dilay islamarkaana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray maleeshiyadaas oo jab xoogan kala kulmay ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee jooga jiida hore ee dagaalka.

Dhanka kale Ciidanka Xogga Dalka ayaa dhabarjab xoogan u geysanayay Maleeshiyaadka kooxda arxanka daran ee Al-shabaab tan iyo markii ay dib u bilaawdeen holgalka lagu ciribtirayo Al-Shabab.