Kiisas Hor Leh oo Cudurka COVID-19 oo Laga Helay deegaanada Puntland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa shaaciyay inay korortay tirada dadka laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus ee deegaanada Puntland.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in laga la baaray Cudurka 11 qof oo isugu jira 6 rag ah iyo 5 dumar ah, waxaana laga helay 7 qof oo 5 ka mid ah rag yihiin, 2-da kalena haween yihiin, halka 4 qofna laga wayay.

Dadka laga helay 3 kamid ah waxay joogaan Degmada Waaciya ee Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland halka 4 ruux oo kamid ah ay joogaan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 30ruux , uuna hal bukaan ah u geeriyooday xanuunka.