Diyaarad Turkiga laga leeyahay oo Daqiiqado ka hor Muqdisho soo gaarsiisay Qalab Caafimaad.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo caga dhigtay labo Diyaaradood oo waday Agab Caafimaad oo qayb ka ah kaalmadaha Xukuumadda Ankara ay ku gacansiineyso Soomaaliya.

Amarka gargaarkaan waxaa bixiyay Madaxweynaha Dowladda Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo xiriir telefoon labada jeer dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, kadib markii ay wadaageen xaaladda laga dhaxlay Cudurka Coronavirus.

Diyaarado Militari oo Turkiga kasoo qaaday agabkaan ayaa looga dajiyay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Magaalada Muqdisho, iyaga oo goobjoog ka yihiin xubno katirsan XFS iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Diyaaradahaan ayaa noqonaya gargaarkii afaraad oo ka yimid Turkiga lana keeno Magaalada Muqdisho, tan iyo markii Soomaaliya laga helay Cudurka Coronavirus, Xukuumaddana ay ku dhawaaqday in xayiraad ay saartay duullimaadyada caalamiga ah.

Garoonka waxaa ku sugnaa Xubno katirsan Dowladda Soomaalida Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Gargaarka iyo Caafimaadka, halka Turkiga uu matalayay Danjiraha Dalkaas ee Soomaaliya.

Mehmet Yilmez Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa maalin kahor sheegay in Dowladdiisa ay go’aansatay gurmad dheeraad ah oo ay usoo diraan Soomaaliya, dhawaan qayb kamid ah gargaarka u badan agab Caafimaad ay keenayaan Muqdisho.