Dad saakaay ka barakacaya Magaalada Baladweyne.

Xaafado ka tirsan dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saakay ka socda barakac xoogan oo ay sameeynayaan qaar kamid ah dadka deegaanka.

Barakaca ayaa sigaar uga socda xaaladda laanta dhagax jibis ee Baladweyne, kadib markii xalay saqdii dhexe uu halkaas ku farahay Webiga Shabeelle oo maalmihii lasoo dhaafay laga cabsi qabay inuu fataahad sameeyo.

Wariyeyaal ku sugan Baladweyne ayaa soo sheegaya in xaafadda qaarkood ay dhex fadhiyaan biyo farabadan, isla markaana halkaas ay isaga barakaceen qoysaskii ku deganaa, iyagoona qaaday deegaano hoostaga Magaaladaas.

Dadka deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay qabay walaac xoogan oo ku aadan inuu fataahad sameeyo webiga Shabeelle, xili la guda-galay roobabka Guga, isla markaana uu webiga sameeyay qar-dhaaf.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa wada dadaalo xoogan oo lagu doonayo sidii looga hortegi lahaa fatahaado hor leh oo uu sameeyo Webiga Shabeelle, iyadoo sanadkii horey fatahaada uu sameeyay Webiga ay ka dhasheen Khasaaro Nafeed iyo mid hantiyadeed.