Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka Bacaadweyn oo sababay khasaare isugu jira naf iyo maal.

Galkacyo:- Roobab mahiigaan ah oo ka da,ay deegaanno badan oo dhaca bariga gobolka mudug ayaa sababay qasaare isugu jira naf iyo maal   ka  soo gaaray dadka ku nool deegaanka bacadweyne ee Koonfurta  gobolka mudug.

Sida ay shegeen dadka degaanku laba caruur ah ayaa geyriyootay ka dib markii daadad ay ku soo rogmadeen deegaanka bacaadweyne ee koonfurta gobolka mudug kuwaas oo buburiyey dhismayaal ku yaalay bacaadweyne

Dadka ku nool Bacaadweeyn  ayaa ka dal badeen  Dowlada fadaraalka iyo madaxda maamulka Galmudug  in ay ka qeeyb qaataan sidi loo kaalmeeyn lahaa .