ciidamada Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi oo Rasaas is weydaarsaday.

Dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa rasaas isku weydaarsaday goobta militariga ka caagan ee xudduuda labada dal.

Rasaas ay soo rideen ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhacday goob ay ku sugnaayeen ciidamada ilaalada xudduuda Kuuriyada Koonfureed.

Waxaa ay is rasaaseyntani ka dhacday magaalada xudduuda ku taalla ee Cheorwon, sida ay sheegeen militariga Kuuriyada Koonfureed.

Ma jirto wax khasaaro ah oo laga soo sheegay dhanka Kuuriyada Konfureed.

Kuuriyada Koonfureed ayaa markii ay rasaas uga timid dhanka Kuuriyada Waqooyiga waxay dhankooda ku jawaabeen rasaas iyo digniin, sida lagu sheegay bayaanka militariga.

Ma cadda ilaa iyo imika waxaa dhaliyay rasaasta sida la sheegay ay soo rideen ciidamada Kuuriyada Waqooyi.

Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed ayaa waxay sheegeen in xiriir ay la sameyn doonaan militariga Kuuriyada Waqooyi si loo ogaado waxa dhaliyay dhacdadan ka dhacday xudduuda labada dal.

Dhanka kale waaa markii ugu horeysay muddo 5 sano ah oo ay ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay rasaas toos ugu soo ridaan dhanka Kuuriyada Koonfureed.