Maamulka Puntland oo Beeniyay in Dowladda Deeq Gargaar ah ka Dejisay Garoowe.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa beenisay in saddex diyaaradood oo siday gargaar oo gelinkii dambe ee shalay ka degay Magaalada Garoowe ay soo dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Gargaar soo gaaray Puntland uu uga yimid hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayna u mahadcelinayaan.

Sidoo kale Wasiir Dhabancad ayaa waxaa uu been abuur uu ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay shalay Deeq gargaar ah gaarsiisay Puntland, taas oo aheyd mid loogu talagalay dadkii waxyeelada kasoo gaartay daadadkii Qardho.

Marka laga soo tego hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay Garoowe ka dejisay saddex diyaaradood oo siday deeq gaargaar ah, waxaana halkaas gaaray wafdi ka socday dowladda.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynya Xukuumadda oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in deeqdaas ay soo dirtay dowladda Federaalka, isla markaana kuwo kalen ay soo waddo si gurmad loogu sameeyo shacabka ku sugan Qardho.

Wasiirka oo sii hadlaayay Wasiirka Qorsheynta ayuu xusay inay qiimeyn ku sameeyn doonaan khasaarihii ka dhashay daadadkii ku rogmaday Magaalada Qardho, kadibna dowladda kula laaban doonaan.