Ar ununkaa yaabnay, Tacajubnay, Anfariirnay, Dhaka faarnay.

Iyada oo la Raacayo Amarka Wasiirka ee ahaa in Qofkii naga Geeriyoodo loo Aqoonsado in uu Dilay Cudurka Coronuhu . Waxaan tacsi tiiraanya leh u direeynaa intii Nafleey aheed ee maanata u geeriyootay Cudurka Coronaha.

Inta la xaqiijiyay in ey cudurkaa u geeriyoodeen ayaa kala ah:

Wadarta 21 qof oo ku geeriyootay isbitaalada Muqadishu, Shan Ruux oo la xaqiijiyay in ey u geeriyoodeen Cudurka Koronaha, Haweeney Umul raacatay oo dhiig bax u dhimatay, Laba Ruux oo kaawo ku soo duntay, Qooys Biriqu ku dishay Duleedka Dhuusa mareeb oo Roobab culusi ka da’een, Dad ku geeriyooday Dagaal dhax maray Ciidamada Ethiopia iyo Al-Shabab, Dad ku geeriyooday Dagaal Beeleed ka dhacay Gobalka Sanaag, Dad ku geeriyooday fatahaadii Qardho iyo Baardheere, 4 Ruux oo ku geeriyootay Gaari Qaad siday oo ku qalibmay meel u dhaw wajaale. Islaan 80 Sanno jir aheed oo Deg. Afgoi ugu geeriyootay Cudurka Malariyada oo Muddo 5 Sanno ey la ildarneed, Oday ku geeriyooday shil Baabuur, Afar Ruux oo ku geeriyooday Duqeeymo ey fuliyeen Dayaarada Daroneska ee Africom. Saddex Caruura oo maanta Baddu qaaday, Laba Asgari oo u geeriyooday is rasaaseeyn dhax mar tay , Dad shacab ah oo ku geeriyooday Tacshiirad ey fureen Ciidanka AMISOM kadib markii ey ku qaraxday Miino Waddada dhinaceeda lagu aasay.

Ceesaan Caruurta loo lisi jiray oo Waraf dilay, 30 geel ah oo lagu qalay Kawaanada Magaalada, Kaluun Badan oo ku soo caariyay Xeebta warshiikh, Laba Dibi oo u dhimatay Cudur aan la aqoon, Laba Dooli oo Bisade ku cuntay Degmada Xamar weyne iyo Marxuumiin kale oo loo Niyeeysanayo in ey u geeriyoodeen Cudurka Koronaha.

Sida Diintu noo sheegatay “Geeridu waa Mid, Qof kastana weey soo maree , Laakin Asbaabta iyo Xaaladha Geeridu waa kala duwan yihiin”. Diinteena Islaamku Nama dhihin Dadka oo dhan ayaa Hal Cudur ama hal sabab ayey u wada dhimanayaan. Allaah ka cabso Runta ka sheeg, Hebel waaba dhinteen Maxaa sababay Geeridiisa, Ma Karone mise Qadar kale?

Yaab. Haddii aad Raacdo Talada wasiirka in qofkii dhintaba loo niyeeysto in karoone dilay, waxaa lagu leeyaya been ayaad sheegtay Hebel Karone ma dilin. Haddii aadan raacin Talada wasiirkana waxaad tahay Qaran dumis.

Ar ununkaa yaabnay, Tacajubnay, Anfariirnay, Dhaka faarnay.

Arragtidaada Xur ayaad u tahay wixii iga khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir