Qarax kadhacay magaalada Marka oo sababay dhhawaca hal ruux.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan waxa uu ka dhacay afaafka hore dhismaha ee Maxkamaddii Magaaladaas.

Inta la xaqiijiyay qof ShCab ah ayaa dhaawacmay, waxaana Qaraxa la sheegay in uu ahaa Miino nuuca dhulka la geliyo, jugta ayaa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Marka.

Ciidamada ammaanka oo sida caadada ah xiliyada dilalka iyo qaraxyada dhacaan sameeyo howlgal waxa ay usoo qabteen dad badan oo ay ku tuhmayaan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana sidoo kale war kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose iyo kan Magaalada Marka.