Mid ka mid ah masaajidda ugu weyn Soomaaliya oo Salaadii Jimcaha lagu tukan.

Mid kamid ah masaajidda ugu waaweyn Kismaayo oo la yiraahdo masjidka Xareed Yaroow maanta salaaddii Jimcaha laguma tukan waana la xiray kadib markii culimada masjidku ay sidaa go’aamiyeen.

Mid kamid ah jameecada masaajidka ku tukan jiray ayaa laga helay cudurka COVID-19 sidaas darteed ayay culimadu u xireen masaajidka.

Waa tallaabadii ugu horreysay ee masaajid Soomaaliya ku yaala uu qaado tan iyo markii uu bilowday cudurka safmarka ah ee Korona.