Gobolka Banaadir oo Howlo buufin ah oo looga hortagaayo COVID-19 ka sameeyay Suuqa Bakaaraha

Muqdisho:-Waaxda Caafimaadka iyo Gurmadka Deg-dega ee Dowlada Hoose ee Xamar ayaa xalay howlo buufin ah oo loogu hortagayo Cudurka safmareenka ah ee Karoona Virus ka sameeyay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaro ee Magaalada Muqdisho,

Gaadiidka gurmadka deg dega ee Dowladda Hoose ayaa ka qeyb-qaatay howlaha lagu buufinaayo qeybo badan oo ka mid ah suuqaasi,iyadoo daawooyin jeermis dile ah loo adeegsaday halkaasi.

Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi ayaa kormeeray Howlwadeenada Waaxda Caafimaad iyo Gurmadka Deg-dega ee Dowlada Hoose ee Xamar, kuwaasi oo fulinayay qorshaha ka hortaga Caabuqa COVID19 ee lagu Buufinayo Caasimadda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u soo buufiyay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho,si loo xakameeyo cudurka dalka ku sii fidayo ee Karoona,waxaana adeegyadaasi buufinta ah la gaarsiin doono dhammaan Degmooyinka iyo goobaha ganacsiga ee Gobolka Banaadir