ALLA YOW SHEEGA. Qadii Cali Mubaarak

Waxaa bilawday burburki iyo barakaci dowladda N&N kaddib marki ay billabeen inayugaarsadaan dhallinyaradi dhigtay bannaanbaxii lagu  jeexjeexa sawiradi M/W Farmaajo. Tan iyo shalay waxaa la soo qabqabtay dhallinyaradii muujisay inay ka soo horjeedeaan siyaasadaha Farmaajo iyo dilalki ka dhacay magaaladaMuqdisho oo lagu dilay  geber ummul ahayd oogurigeeda hortiisa joogtay iyo wiil la jiray..waana arrin aad u foolxun oo ay aqbali wayaeen dadka ku nool degmooyinka Boondheere iyo Shibbis.

Haddaba, bananbaxa waxaa keenay caro ay ka qabaan nin askariya toogta qof shacab ah oon wax dembi ah gelin, waxaana tusaale u ah in tiro ka badan boqol dhallinyaro  BAJAAJLEYAH la toogtay iyagoon wax dembi ah gelin..ciidamadii dilayna aan midkoona maxkamad la soo taagin.

Arrinta maanta waxay mareysaa meel aad looga argagaxokaddib markii la soo ugaarsaday tiro dhallinyaro ah oo ,sida la sheegay, ka badan labaatameeyo la soo xiray iyadoo lagu eedeeyay inay yihiin SHABAAB, marba haddii ay jeexjeexen sawirki Farmaajo ee jidadka surnaay..ma la isweydiiyay sawirkiisa maxaa jidadka suray, xafiisyadi ma ku fillnaanwaayeen?…mase wuxuu billaabay ololihi doorashada iyadoonwaqtigi la gaarin!!!

Haddaba, qoraalkaan wuxuu u yeerayaa dadweynaha deggan Boondheere iyo inti damiir leh ee ka xanuunsaneysa takri falkaiyo dhibaatada ay marayaan dhallinyaradi la soo xiray ayna kabadbadiyaan ciqaabta ay muteysanayaan, si dhaqso lehna loo raadiyo meesha ay ku sugan yihyiin iyo wixi ka nool oo lagagaaro. Ninka heysta NISA waa wakiilka shabaab oo weligiisu adeegi jiray argagisada, maantana jagada loo dhiibay waamid lagu ilaalinaayo Madaxda dalka si uu uga badbaadiyosharta ShabaabWaxaad moodaa inuu taas ku guuleystay Shabaabna iyo NISA ay wada gaareen heshiis ah AAN KALA BADBAADNO.

Alla yaa u sheega M/weyne Farmaajo in dhallinyaradi Xamarjoogtay markey gadoodeen inay Jaalle Siyaada ugu galeen Villa Somaliia iyagoo ka booday derbiga aad aragtay oo dhirirkabadan, iyagoon weliba wax hub ah heysan. Marka, haddii ay kula tahay inaad ku badbaadi karto koox dhallinyaro ah oo aadsoo xiratay wax badan ayaa kaa dhiman si aad uga badbadokacdoonka reer Muqdisho marka la gaaro Ciidan iyo hub kaadaafici karaa midna ma jiro.

CODSI DEGDEG AH Reer Muqdishow dhallinyaradi la xiraysoo badbaadiya.

Cali Mubarak