Dowladda Soomaaliya oo Agab caafimaad gaarsiisay Magaalada Jowhar.

Muqdisho:-wafdi ka socda Xafiska Ra’isul wasaaraha , Gudigga Qaranka ee ka hortagga Covid19 iyo dhaqaatiir ayaa gaaray Magaalada jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Wafdigaasi waxa ay magaalada Jowhar gaarsiyeen shixnad dawooyin ah iyo qalab kale oo ay sidday Diyaarad,isla markaana loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka Cronavirus.

Mucaawinadaasi oo ka timid Xafiiska R/wasaaraha waxaa loogu talagalay in lagu taageero dadaalada lagu yareynaayo caabuqa halista ah ee Covid 19.

Wafdigaasi oo ay magaalada Jowhar ku soo dhoweeyeen maamulka Hirshabeele,waxa ay mudada ay joogaan halkaasi ay u kuurgalayaan xarumaha loo qorsheeyay Karantiilka sida ay u socdaan dadaalada lagula diriraayo faafitaanka cudurka.