Dalacsiin Maamulka Puntland uu u sameeyay Ciidamadii Gurmadka U Sameeyay Shacabka Qardho

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho ayaa maanta kormeeray Xarunta Tababarada Ciidamada ee Xorgoble.

Madaxweyne Deni ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta oo tabar uga socdo xerada xorgoble, wuxuuna ka dib warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidamada iyo Masuuliyiinta Xarunta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorkii Ciidamadu ka qaateen badbaadinta Shacabka markii xili habeen ah biyo kusoo rogmadeen Qardho, wuxuuna Madaxweynuhu hal darajo dalacsiiyey dhammaan ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkaasi lagu badbaadinayey Shacabka ay daadadku kusoo fatahmeen.