Sacuudiga oo joojinaya ciqaabta dilka dambiyada qofku galo xilliga caruurnimada.

Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaan dal-dali doonin dadka gala dambiyada xilliga ay daad’dooda yartahay, waxaa sidaasi shaaciyay guddigaa xuquuqda aadanaha dalkaaasi.

Ku dhawaaqidda arrintan ayaa timid ka dib digreeto uu soo saaray boqorka Sacuudiga boqor Salmaan, waxaayna ku soo beegmaysaa maalmo uun ka dib markii ay boqortooyada sheegtay inay mamnuucayso ciqaabta Karbaashka.

Cahddiga Qaramada Midoobey ee xuquuqdad caruurta oo ay saxiixday Sacuudiga ayaa dhigaya in caruurta aan lagu ciqaabin dambiyada ay galaan marka ay yaryar yihiin.

Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxay sacuudiga ku tilmaameen dalka ugu xun dhanka dhowriidda xuquuqul insaanka.

Waxay hay’adaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen in xorruyatul qowlka dalkaasi uu yahay mid hooseeya islamarakna dadka dowladda dhaliila lagula kaco xarig aan loo meel dayin.

Dad ay tiradooda gaarayso 184 qof ayaa boqoortooyada Sacuudiga lagu dal-dalay 2019, sida ay sheegtay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Ugu yaraan hal qof ayaa ka mid ahaa dadkaasi oo loo dadalay daambi uu sameeyay markii uu yaraa, sida ay sheegtaay Amnesty.

Bayaan uu Axaddii daabacay gudoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka Sacuudiga, Awwad Alawwad, ayaa lagu sheegay in dambiyada ay galaan caruurta marka ay da’dooda yartahay badalkii la daldali lahaa lagu badalay 10 sano oo xarig ah oo lagu haynayo xabsiyada caaruurta.

“Digreetadan waxay naga caawinaaysaa in aan helno xeer ciqaabeed casri ah,” ayuu yiri Mr Alawwad.

Ma cadda waqtiga go’aankan oo aan laga baahin warbahinta dowladda uu dhaqangali doono.

Tan iyo waxii ka dambeeyay dilkii saxafigii Jamal Khashoggi 2018, waxaa isha lagu hayaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga.

Horraantii toddobaadkan mid ka mid ah dadka sida wayn ugu ololeeya xuquuqda aadanaha Sacuudiga ayaa ku dhex dhintay xabsiga ka dib markii la shegay in caafimaadkiisa la dayacay.

Xigasho:BBCSomali