Dowladda oo wada Qorshe dib loogu soo celinaayo dalka muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sacuudiga.

Muqdisho:-Wasiirka caafimaadka oo sheegtay in dowladdu ay ku howlantahay inay dalka kusoo celiso mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale.

Sidoo kale Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay la soconeyso xaaladda mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo dalka dib loogu soo celiyay.

Dowladda ayaa qaaday tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya, waxay mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay wadajir u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.