Xildhibaan Kabtan Moge oo baaq nabadeed u diray walaalaha Ku dagaalamaya Tuulada Xaluule ee Warshiikh

BAAQ NABADEED

Xildhibaan Kabtan Mooge oo ka tirsan xildhibaanada Hirshabeele oo baaq nabadeed u diray walaalaha Ku dagaalamaayo tuulo u dhow degmada Warshiikh.

Ugu horeyn waxaan u tacsiyeenaa ehelada inta dhimmatay iyo dhaawacana inuu allaha bogsiiyo.

Baaqaan waxuu ku socdaa dadka walaalaha ah oo bisha Ramadaan iyo xiligaan adag ee CORONAVIRUS ku dagaalayo TUULADA XALUULE ee degaanka degmada Warsheikh in si deg deg ah u joojiyaan dagaalka, ayuu yiri xidhibaanka.

Sida oo kale DG Hirshabeelle iyo Gobolka Banadir in ay kala qeyb qaataan dadaalka ay wadaan Gudoomiyaha Gobolka Sh/dhaxe, gudoomiyeyaasha isku xilqaamay daminta colaada si ciidan deg deg ah loogu diro goobta si ay u kala dhex galaan wax ma garadka dagaalamayo.

Sida oo kale odayaasha, culumada iyo waxgaradka kale inay si deg deg ah u kaashadaan cidii wax ka qabaneyso nabadeenta kana hortagaan kuwa hurinaayo colaada iyada lagu jiro bisha Ramadaan oo barakeysan.

Ugu dambeyn in la dhameystiro nabadeentii horey u jirtay si dhibka jira loo dhammeeyo.