Soomaali isugu jirta Mas’uuliyiin iyo dad Shacab ah oo Xalay Diyaaradda Turkish Airlines Dalka Dib ugu soo celisay.

Muqdisho:-Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa xalay ka soo degtay diyaaradda Turkish Airlines oo siday dad Soomaaliyeed oo ay ka soo qaaday dalka Turkiga.

Illaa 58 qof ayaa la sheegay inay la socdeen diyaaradaas xalay kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ku jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

Turkish Airlines ayaa isla xalay Muqdisho ka qaaday ku dhawaad 100 qof oo u badanaa Turkey, isla markaana ay ku jireen muwaadiniin Soomaaliyeed, oo badan kood howlo caafimaad uu aaday dalkaas Turkiga.

Waxaa jira dalal kale oo caalamka ah oo ay ku xayiranyihiin dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo wajahaya duruufo kala duwan, qaarkoodna lasoo sheegayo inay sahaydii ka go’day.

Dowladda Federaalka ayaa maalmo ka hor guddi u xil saartay inay kasoo tala bixiyaan sidii dalka loogu soo daabuli lahaa muwaadiniinta ku xayiran wadamada caalamka.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa sheegay in dadka ugu badan ay ku xayiranyihiin wadamada Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.