RW Kheyre oo shir guddoomiyey shirka guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19.

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyey shirka guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 oo looga hadlay dardargelinta barnaamijyada wacyi-gelinta.

Barnaamijyadan ayaa la sheegay in bulshada lagu fahamsiinayo khatarta, iyo sida looga gaashaaman karo xanuunka Coronavirus, si loo yareeyo faafitaanka Cudurkan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha ka hor tagga cudurka COVID-19, isla markaana ay fuliyaan tallaaba kasta oo ay u arkaan in looga hortegi karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta karaankeed ah la tacaaleysa cudurka Coronavirus, xilliga gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey in ka badan 390-kii oo xanuunkaas ah.