Rag Hubaysan oo Saakay Magaalada Boosaaso ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Koooxo hubeysan oo waaberigii hore ee saakay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland.

Dilka loo geystay Askariga ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay agagaarka Isgoyska laga raaco gaadiidka aada dhanka Magaalada Qardha, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Askariga la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar Maxamed Yuusuf, waxaana xiliga la dilayay la xusay inuu doonayay inuu raashin u dhiibo Hooyadiis oo ku nool Magaalada Qordho.

Ragii hubeysnaa ee dilka fuliyay ayaa ku baxsaday Luuq yar oo goobta ka Agdhawaa, waxaana daqiiqado kadib halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Boosaaso oo ka qaaday Meydka Marxuumka, sidoo kalena sameeyay baaritaano.

Dhanka kale Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana dilalkaas inta badan sheegta Al-shabaab iyo Daacish.