Ilhaan Cumar “Dacwadda NISA ee Haaruun Macruuf waa Olaole cabsi gelin ah, oo aad looga walaaco, oo aan la aqbali karin.”

Muqdisho:-Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa ka hadashay dacwadda ay hey’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA sheegtay inay ka gudbisay Weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga ee VOA.

Hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa 23-kii bishan qoraal kooban oo dhigtay barteeda Twitter-ka waxa ay ku tiri “NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Go’aan ka gaarida baarista gal-dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon.”

Ilhaan Cumar ayaa qoraal ay ka soo saartay arrintaas waxaay ku qeexday “Olaole cabsi gelin ah, oo aad looga walaaco, oo aan la aqbali karin.”

“Ololaha cabsiga gelinta ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf waa kuwa si qoto-dheer looga wel-welo. Weeraradan, iyo sidoo kale xarigii 14-kii bishan April loogu gaystay Weriye Cabdicasii Axmed Gurbiye ka warramidiisa saameynta COVID-19 ee Soomaaliya, waa xadgudub aan la aqbali karin oo lagu sameeyey xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka,” ayey qoraalkeeda ku tiri Ilhaan Cumar.

Hoos ka aqrio qoraalka Ilhaan oo dhameystiran.

“Shaqadayda ka mid ahaanshaha aqalka arrimaha dibadda ee xubnaha Xildhibaanadda, Ilaalinta xaquuqda iyo xurriyadda saxaafaddu waxay ka mid yihiin arrimaha aan siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba u aaminsanahay. Haddii ay noqon lahayd in caddaalad loo helo dilkii Jamal Khashoggi, uqareemidda in xabsiyada laga sii daayo suxufiyiinta xabsiyadda ku jira amaba dhawrista xaquuqda jiritaanka saxaafadda madaxa banaan inay ka hadlaan arrimaha gudaha wadankan si aan cabsi lahayn, Kamana reebana aragtidayda ku aadan in saxaafadda xorta ahi ay aasaas u tahay umad leh qaab demoqoraadi ah.

“Hanjabaadaha joogtada ah ee hayada Nabadsugidda Soomaaliya ay kula kacday wariye Harun Macruf waa wax aan aad uga calool xumaaday. Ladagaalankaan oo ay ka mid ahayd tii lagu xiray Iyana 14kii bisha afaraad Abdiaziz Ahmed Gudbiye asagoo kasoo waramaya cudurka caabuqa ee COVID-19 ee Soomaaliya ma ahan arrin la aqbali karo, waana xadgudub xaga bini’aadanka ah.

“Dawladda dhexe ee Soomaaliya waxay qayb ka ahayd is hortaaga xaquuqahaas iyo xadgudyadda lagula kaco saxaafadda sanaddihii lasoo dhaafay. Waxaan si joogtay isu garab istaagay sidii daymaha looga cafin lahaa Soomaaliya si loogu tilaabsado horumar waara. Waxaase sii kordhayay caga juglaynta, cabsigalinta, iyo xariga saxufiyiinta ay ka midyihiin Harun iyo Abdiaziz ayaa wuxuu kamid yahay dib u dhaca saxaafadda.”