Guddoomiyaha G/Banaadir oo guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen labadii muwaadin.

Muqdisho;-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa  guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen Allaha u naxariisto Madiina Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe oo si sharci darra ah lagu dilay in kastoo dowlada Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay gacan ku dhiiglihii dilkaas geestay.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa qoysaskii uu la kulmay u sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka faala qaaday nolashooda, islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono askarigii dilka geestay.