Al-Shabaab oo Madaafiic ku weeraray Xarunta AMISOM ee Xalane.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Jugta madaafiic xooggan oo laga maqlay gudaha Xarunta Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee Xalane iyo Nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dhowr madaafiic ah ayaa la sheegay in saakay lagu weeraray Xarunta AMISOM ee Xalane oo ay ku dhex yaallaan Xafiisyada UN-ka iyo Safaarado dhowr ah oo ay leeyihiin reer Galbeedka.

Waxay Dadka degan agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo sheegayaan inay maqlayeen Jug xoogan oo madaafiic ah ayna dareemeen cabsi, iyagoona xusay in aysan ogeyn halka laga soo tuuray Madaafiicda.

Al-shabaab warar ay ku faafiyeen barahooda ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxay ku sheegeen Mas’uuliyada weerarka saakay lagu qaaday Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM ee Soomaaliya iyo dowladda oo ay hadlayaan weerarkaas la sheegay in lagu qaaday Xarunta Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee Xalane.