Is faham la’aanta Mogadishu!!!

Waxaa jiro waxyaabo la isku khilaafsan yahay, kuwo la isku raacsan yahay, iyo kuwa aan fahamku kala fogeeyn.

1. Mogadishu in Cudurka Corono ka jiro la iskuma diidano.

2. Cudurka Corono in Maalintii uu ka dhuunto Dadka isaga oo cabsanayo la iskuma diidano. ( F.S:1aad)

3. waxaa la isku diidan yahay Cudurku waxa uu soo baxaa 7da , maya waa 8da Habeenkii. Laakin Dadka qaar ayaa 7da & 8da u yaqaan Habeen barkii kadib. ( F. S: 2aad)

4. Dadka oo dhan wey ogyihiin, la iskumana khilaafsano in Haddii loo baahdo Bandoow la soo rogi karo, Laakin kan hadda Muqdishu lagu soo rogay waa Sharci daro, mana waa faqsano qaanuunka Dalka, Cidna looma ciqaabi karo.

5. Asgari Dilka geeystay oo kaliya in la soo xiro, uuna soo xiro isla Taliyihii amray, iyana waa Sharci daro, Taliyihii amarka bixiyay waa in la soo xiro.

6. In Taliye Ciidan uu Bandoow ku soo rogo Mogadishu waa Sharci daro, masuuliyada wixii ka dhashana isagaa qaadayo.

7. Duqii Magaalada in Magaaladiisa lagu soo rogo Bandoow,isaga oo aan wax ka ogeeyn ama isagu uuna ku dhawaaqin Bandoowga iyaduna waa Sharci daro kale, isagana ceeb ayeey ku tahay.

8. in Laamiga wadooyinka la gubo iyada oo la heli karo Hab kale oo arragtida lagu gudbiyo iyaduna waa Sharci daro.

9. Fikradaha aadka u kala fog ee Dadku kala aaminsan yahay, sida:

a) Arragtida ah, Dalka Dowlad sharciya, laakin aan Awoodin in ey Dalka wada maamushu ayaa jirto.

b) Arragtida ah, Dalka Gabi ahaanba Dowlad sharciya kama jirto.

c) Arrgtida ah, u niyeeyso in Dowladu ey jirto xattaa hadeeyna jirin.

Saddaxdaa. a, b & c haddii qofba uu yiraa teyda oo kaliya ayaa sax ah, xal lama gaarayo.

10. Haddaan sharciga la dhowrin, shanta in la dhowro ayaa dhalanee, taasina waa sharciga keymaha”jungle law” Dadkana Dan uma ahan, Aar gudsina, Aargudsi kale iyo ummula doox ayuu keenaa.

FG: Talaabo kasta waddada sharciga ha loo soo maro, Coronana Habeen iyo Maalin isku si ha loola dagaalo, Bandoowna Amarkeeda Nin aan leheeyn yaan laga sugin, Shacabkii Carada la banaan baxay, haddii dambi loo raacdo iyana waa dambi kale. ( F.S:3aad)

Aniga iyo Adiguna wax waaba isku khilaafsanahay ee maxeey yihiin?. Aan is fahamsiino.

Qore: Yahya Amir