Sheekh Shariif “Waa in Dib loo dhigaa Bisha Ramadaan Bandowg, si Shacabka afurka iyo nolol maalmeedka raadsanaya….”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna hogaamiyaha madasha Xisbiyada Qaran ayaa si kulul uga hadlay bandowga habeenkii ee dowladda ay ku soo rogtay magaalada Muqdisho.

Gogaamiyaha madasha xisbiyada Qaran Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in dowladda laga sugayay inay saacado dib u dhigto bandowga magaalada marka la gaaro bisha Ramadaan hase ahaate sheegay inaysan taasi dhicin dhibaatana ay ku tahay Shacabka afurka iyo nolol maalmeedka raadsanaya.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inay culeys weyn ku tahay shacabka Soomaaliyeed isaga oo dhinaca kalana ku eedeyay dowladda in waddooyinka ay ka qabanayso dhalinyarada kadibna ku qaadaysa gaadiidka Shabaqlayaasha ah ee ciidamada taas oo ka soo horjeeda fariimaha wacyigelinta ee ahaa in aan la isku dhawaan si aan loo kala qadin xanuunka.

Dhanka kale hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku soo aadaya iyada oo dowladda fedraalku ay bandowgii saarnaa magaalada ee 8:00-fiidnimo ka dhigtay in uu dhaqangalo 7:00-fiidnimo laga bilaabo kowda bisha Ramadaan.