Qeylo hadey ka yeerto Qol xiran, Hubso cidda la haraatiyay, Hadey shacabka ka soo yeertana….=Nasashada Jimcaha. Q- 197-aad=

1-Nin Bakhiil ah oo Dardaarmayay, Naftuna ka sii baxeeysay, ayaa yiri: Xaaskeeygii ma joogtaa? Caruurteeydii ma joogaan? Waalidkeey ma joogaa? Waxaa la yiri: Haa, kuli weey joogaan. Waxa uu yiri: Maxaa loo damin waayay Nalka kushiinka, soow ma ogodiin in Korontadu qaali noqotay?.

( iyada oo xaalad xun lagu jiro, ayaa Nin Masuul ihi isagu yeeray Dadkii oo dhan, kuna yiri: ……………)

2- Dagaalkii 77 ayaa Jaalle Siyaad u yeeray, G/sare Farax Cali waxa uuna ku yiri: Dhinaceen ka weerarnaa Magaalada Jigjigo,?. G/Sare Farax ayaa yiri: dhinaca barri, Jaalle Siyaad ayaa yiri: iska bax ,waad saxan tahay. Markii uu irida ka sii baxayay ayuu si hoose u yiri: Kaligii taliye Dabaal ah. Asgari Nabadsugiddaa, Dable Diini oo maqlayay, ayaa Jaale Siyaad u sheegay wixii uu maqlay. Siyaad ayaa yiri: Ha loo yeero Farax. Waana loo yeeray. Waxa uu ku yiri: Yaad ula jeeday Kaligii taliye Dabaal ah? Farax ayaa yiri: Mingiste.

Siyaad ayaa ku yiri: Ninkii Nabadsugidda ahaa Dable Diini: Adigu yaad u qaadatay in uu ula jeedo Kaligii taliye dabaal ah. waxa uu yiri: Adiga. Jaalle Siyaad ayaa yiri: Diini ha la xiro. ( F.S: 1aad)

( Nin kaa waaya aragsan, Madaxda haku dirin, waa iga tallo)

3-Farsamayaqaan Tubiiste ahaa ayaa lagu xiray Xabsiga Siyaasiyiinta Qaran dumiska lagu soo eedeeyo. Siyaasiyiintii ayaa weeydiiyay, war Adiga maxaa laguu soo xiray? Waxa uu yiri: Tubo Saxarada ka qaado Madaxtooyada ayaa xirantay. Waxaan iri: Ciladdu ma ahan hal tubo ee waxaa haleeysan Systemka oo dhan.

Waxay u qaateen in aan Systemka maamulka ka hadlayo, kadibna waxaa la igu soo eedeeyay Qaran dumis, Halkaan ayaana la i keenay. ( F.S: 2aad)

(Oggow Xirfad kasta waxay leedahay Luuqad u gaar ah, hubso ula jeedada xirfadlaha)

4-Nin iyo Xaaskiisii ayaa habeen dhan dagaalayay, Nin deris la ahaa ayaa Subixii ku yiri: war hebeloow maxaad sida xun ugu Graacday xaaskaaga xalay?. Dagaalkiinii Xalayna xaguu ku dhamaaday? waxa uu yiri: Haraati ayuu ku dhamaaday. Waxa uu ku yiri: Maxeey ku tiri?.: waxa uu yiri: waxa ey igu tiri, Fulayohoow, Sariirta hoosteeda ka soo bax. Yaa xalay la garaacay? ( F.S: 3aad)

( Qeylo hadey ka yeerto Qol xiran, Hubso cidda la haraatiyay, Hadey shacabka ka soo yeertana hubso, Xafiiska laga cabanayo)

5- Oday Cosoble oo Baadiyaha laga keenay ayaa loo geeyay dhakhtarka indhaha, waxaa la tusiyay Xuruuf ku qoran warqad oo la weeydiiyay halka ey u jeedaan, waana sheegay. Xuruuftii ayaa laga fogeeyay. Waxa uu yiri: Hadda waxba ugama jeedo. Waxaa lagu yiri: Ookiyaalo ayaa laguu qorayaa. Waxa uu yiri: Maxeey ii tarayaan? Waxaa la gu yiri: waxa kaa fog ayaad ku arkee. Waxa uu yiri: yaa, yaa waxa iga fog maan u dhawaadho, ma intaasaad Lacag iiga qaadee. ( F.S: 4aad).

( No Comment)

6- Wiil ayaa yiri: Hooyo i sii 1 Doolar oo aan siiyo Duqdaa maskiinta ah ee Derbiga fadhido. Hooyadii ayaa tiri: waxa aad tahay wiil fiican, maxaad u siineysaa bal ii sheeg? Waxa uu yiri: Nac nac iyo Jalaato ayeey iibisaa. ( F.S: 5aad)

( Dadka Reer Galbeeka marka laga soo qaadayo Lacag ka mid ah Canshuurtii laga soo uririyay, ee la siinayo Somaliya oo aad u liidato, waxa ey weydiiyaan Dowladooda maxaad u siinee? Dowladuna waxa ey ugu jawaabtaa, kheyraad ayeey leeyihiin, Danteeynana waan ka fushan karaa. Adigu ma is weeydiisay, Dowladaadana ma weeydiisaa, Maxaan uga soo qaadaneynaa Annagu? Maxaa lagu heshiiyay? Maxey iigu ogolaadeen? Deeqaha Nac nac iyo Jalaato ka badan amaa lagaaga bedeshaa, Sadaqeeyste oo dhan Ajir doon ma ahan, iska hubi, waa iga talo!!!.)

Inshaa a Allah, Ramadaan Kariim.

Qore: Yahya Amir