Al-Shabaab oo Qarxyo Culus ku weerartay Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Baraawe

Wararka laga helayo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya tilmaamaya in Alshabaab ay weerar qaraxyo loo adeegsaday ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi.

Qaraxyada lagu weeraray saldhiga Ciidmada AMISOM ee degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Dadka deegaanka oo la gadlay idacada dalsan ayaa sheegay in ay maqleen jug culus oo ay tilmaameen ay aheyd laba qarax oo lagu weerary saldhiga ciidamada ugandha

Al-Shabaab oo war ka soo saaray waxay sheegeen inay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada AMIOM ee ku sugnaa saldhiga ay ku leeyihiin magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.