Tallaalka Coronavirus Oo Berri La Tijaabinayo & CAALAMKA Oo Dhan Oo u Dheg Taagaya

Tan iyo markii uu aduunka kala xiray cudurka #Coronavirus waxay dhakhaatiirta iyo saynis yahanadu ku mashquulsanaayeen in ay daawo ama tallaal u helaan Cudurkan halista ah ee #COVID19.

Dowladda UK, ayaa ku dhawaaqay in ay markii ugu horaysay dadka bini’aadamka ah ku tijaabinayso tallaal lagula dagaalamayo COVID19 kaas oo haddii uu guulaysto wax badan ka tari kara halista cudurkan.

Sida aan kasoo xigtay Gool24, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Britain ee Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Matt Hancock, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in ay samaynayaan tijaabo cusub oo talaal ah oo markii ugu horaysay dadka bini aadamka looga talaali doono caabuqa coronavirus.

Matt Hancock oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in barri oo khamiis ah ay jaamacada Oxford University ku samayn doonaan tallaalkii ugu horeeyay ee tijaabo bini aadam lagu samayn doono iyada oo tallaalkan loo adeegsan doono dadka wuxuuna barnaamijkani ka mid yahay shan mashruuc oo jaamacaada Oxford University ka socda.

Todobaadkii hore waxa uu wargayska caanka ah ee Daily Telegraph sii shaaciyay in dawlada Ingiriisku ay samaysay nooc talaal oo tijaabo lagu samaynayo kaas oo lagula dagaalami karo cudurka Coronavirus.

Dalal kala duwan oo aduunka ah ayaa ka shaqaynaya tijaabinta tallaalo looga hortagi karo ama lagula dagaalami karo cudurka aduunka halakeeyay ee Covid-19 waxaana la sheegay in jaamacada Oxford University ay ka socdaan shan mashruuc oo ah baadhitaanka cudurka coronavirus.

Marka laga yimaado UK, dalka Germany ayaa isna shaaciyay in ay diyaar u yihiin in ay tijaabo bini aadam ah ku sameeyaan daawooyin ay soo saareen.

Haddaba waa noocma Tallaalka barri oo khamiis ah ay dawlada Ingiriisku dadka ku tijaabinayso ee cudurka Coronavirus?

Talaalka ay dawlada UK soo saartay waxaa la yidhaa ChAdOx1 nCoV-19 vaccine wuxuuna barri marayaa tijaabadii kowaad ee bini aadam lagu tijaabinayo waxayna arintani ka dhici doontaa jaamacada Oxford University halkaas oo ay ka socdaan shan mashruuc oo tijaabooyin saynis iyo baaritaano caafimaad ah.

Dowladda UK ayaa wada 21 mashruuc oo daawo loogu raadinayo cudurka coronavirus waxayna shan ka mid ahi ka socdaan jaamacada Oxford iyada oo barri ay noqon doonto maalin si wayn loo sugayo saamaynta uu talaalka ChAdOx1 nCoV-19 vaccine yeelan doono.

Jaamacadda Oxford University ayaa la siiyay lacag dhan 24 milyan gini si ay golaha cilmi baadhista daawooyinka UK ee UKRI ay ugu dadajiyaan barnaamijyada daawooyinka loogu raadinayo cudurka coronavirus kaas oo soo bilaamay bishii March.

Haddaba mid ka mid ah shanta mashruuc ee Oxford University ay ku heshay lacagta 24 ka milyan gini ah ayaa barri tijaabadii ugu horaysay ee bini aadam ah lagu samayn doonaa iyada la sheegay in jaamacadani ay heli doonto 20 milyan gini oo dheeraad ah oo ay dawlada UK ku kordhin doonto baadhitaanka iyo daraasaynta faryaska Corona.

Aduunka oo dhan ayaa u dheg taagaya in lagu guulaysto in daawayn ama tallaal loo helo caabuqa Coronavirus, waxaana la is waydiinayaa haddii tallaalka ay Jaamacadda Oxford University soo saartay ee ChAdOx1 nCoV-19 vaccine uu noqon doonto midkii Coronavirus lagula dagaalami lahaa.

WIXII SOO KORDHANA ILA SOCDA…

WQ:Abdulrazak IndhaJaceyl.