Somaliland oo ku hanjabtay Jabhad dhawaan la Aas’aasay, islamarkaana Talaabo ka qaadi doonaan.

S/Guuto Muuse Jaamac Dalaf Taliyaha qeybta Saddexaad ee Ciidanka Millateriga Soomaaliland ee Gobolka Sanaag ayaa marka hore sheegay in Ciidamada Somaliland ay kala dhex-galeen laba maleeshiyo beeleed oo 19 Bishaan ku dagaalamay deegaanka Fadhigaab degmada Ceelafweyn ee Gobolkaasi Sanaag.

Taliyaha ayaa waxaa wax laga weeydiiyey Jabhad la dagaalameysa Soomaaliland oo laga Aas’asay Buuraleyda Siraadleey ee Gobolka Sanad,waxana uu sheegay inay yihiin dad aan 10 Ruux ka badneyn,isla markaana dadka ay buun buuniyeen balse ay yihiin kuwo aan waxba soo kordhineyn.

“Xilligaan Soomaaliland loogama baahno wax Jabhad ah iyo Beelo is aruursaday” ayuu yiri Taliyaha oo ugu hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Deegaannada Soomaaliland ayaa dhowr jeer waxaa ka Aas’aasmay Jabhado kala duwan oo la dagaalamay Xukuumadda Soomaakiland,hayeeshee ugu dambeyn hab beeleed lagu xaliyey.