Bandoowgu ina Corono Miyaa?, mise?

Weli Caalamka oo dhan lama ogo, la iskumana raacin, Maxaa sababay Corono?. Xaguu ka soo bilaawday? Goormuu Bilaawday? iyo Goormuu dhamaanyaa ?.

waxaa la yiri: Arday Afrikaan ah oo Dugsi Hoose dhigato ayaa laga fasaxay wax barashadii inta Coronuhu ka dhamaanayo ( F.S:1aad). Markii Coronihii dhamaaday ayeey isla Ardaydii Dugsiyadii iyo wax barshadii dib ugu soo noqdeen ( F.S: 2aad). taasi waxa ey muujinee shakiga laga qabo muddada uu dhamaanayo Coronohu, soow looma baahna in taa xisaabta lagu daro, Mise Bandoowga ayaa ka fudud.

waddanba gu’aan ayuu qaatay, UK xanibaad adag ayeey soo rogtay, Sweden waa Dabcisay oo waa la isku socdaa, wadanba xaaladiisa ayuu qiimeeyay. Anngu xageen u soconaa? soow kama xaalad duwanin?.

Bandoow la soo rogo ma ahan wax fudud, Horta Bandow Sharciyan, haddii waddan lagu soo rogayo yaa ku dhawaaqi karo? waa in Golaha wasiiradu go’aamiyaan, kadibna Af hayeenka Dowladu ku dhawaaqo, ama Wasiirka Arrimaha Gudaha, kan oo kale waa suura gal in Wasiirka Caafimaadku ku dhawaaqo oo uu bulshada u sharaxo go’aanka Golaha wasiirada, Laakin Bandowgaan intaasi kuma dhawaaqin, Taliye Ciidan ma loo wakiilan karaa? shaki ayaa iga galay sharciyada Bandowga, tan kale ma ahan Bandoow Dalka oo dhan ka wada jiro, xattaa inta Coronuhu gaaray.

Bandoow ayaan soo rognay!!!. waxaa jira Dad Xer ah iyo Iskaabolo Qaraabda iyo Asaxaab kale la soo Af furo, Saxuurtana u doonto, Bulshadu waa isku wada tiirsantahay. Laakin Madaxda badankooda Hotelada ey degan yihiin ayaa Cuntada loogu diyaariyaa.

waxaa jira Masaakiin iyo Barakacayaal ka soo Af furo Masaajidda, suura gal ma ahan in ey guryahooda ku soo noqdaan Halka saac. waxaan fileeynay in waqtiga dib loo dhigo, Tan kale Roobkii Bilaawga ahaa ayaa Dad badan sii bara kiciyay, Caawana haddii Roob yimaad Dad badan ayaa biyo u soo galayaan, banaankiina waa Bandow, oo deriska uma gurma kartid.

Runtii, Annigu shakhsiyan, waxaan soo iibiyay Timir, Biyo iyo Cunto fudud oo aan is lahaa Masjid ii dhaw geey si loogu Af furo, Amman Dad ka wayaa? shakiyaa i galay, sidee wax u socdaan, Dadkii Galab dheer ayaa la xareeyay.

Dhaqaala ahaan dhibkee ka imaan karo?. Wadooyinkii xirnaa waxa ey saameeyeen Ganacsigii yar yaraa. Bandoowguna waxa uu saameeynaa Ganacsigii waaweeynaa sida Hotelada iyo wixii la mid ka ah.

Magaaladu Maalintii waa caadii, Basaska ayaa la isla raacaa, Suuqyadii waa ciriiri, Masaajida waa lagu wada Tuladaa.
waa maxaay Cudurkaan aan Maalintii Magaalada ka jirin, ee Habeenii oo kaliya ka jiro ?. Maalintii soo qaad, Habeenkiina ha kula hoydo miyaa?. Soow ma haboono in la yiraa Habeenkii Laba qof ma wada socon karaan ee kala fogaada intii la xayiri lahaa Masaakinnta Quud raadiskaa.

Soow wasaarada Diintu ma dhihin, Masaajida shanta Salaadood ha laga wada Qunuudu, Qunuudka Salaada Ceshuhu kuma jirto miyaa?.

Guriga ha ka soo bixin, Sankana ha ka neefsan miyaa Bandoowgu?. Dan yarta , Hantiila yaasha, Madaxda Hoteelada wada degan iyo Qurba joogta aan qaangaarin qaarkood, isku si ma u wada dareemayaan Bandowga? ( F.S: 3 & 4aad)

Alla hanaga Badbaadiyo Coronaha. Aamiin.

waxaan u mahadcelinayaa Wasaaradda Caafimaadka, Bahda Caafimaadka, Mediyaha iyo Shirkadaha isgaarsiintu Doorkii ey ka qaateen wacyi galinta Bulshada.

FG: Ma diidani in Laga hor tago Faafidda Cudurkan halista ah, Laakin Bandoowga iyo Baahida Ramadaanka ha leeys waafajiyo.

wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir